YAAB: Saxeexa Cusub Ee Liverpool Ee Kostas Tsimikas Iyo James Milner Oo Isku Dhacay Kulankii Saaxiibtinimo Ee Xalay – Maxay Isku Haysteen?

Daafaca bidix ee cusub ee kooxda Liverpool ee Kostas Tsimikas ayuu qaab kale usoo dhaweeyay kabtan ku xigeenka kooxdaas ee James Milner xilli ay shalay kulan ay 3-0 ku guuleysteen la ciyaareen kooxda ree Germany ee Stuttgart.

Tsimikas ayaa Liverpool suuqa xagaagan kaga soo biiray dhinaca kooxda ree Greece ee Olympiakos kaddib heshiis 11.75 Milyan Pound ahaa isagoo kaabis u noqon doona Andrew Robertson isla markaana James Milner ka xorayn doona booskaas oo uu kaabis ka ahaa.

Milner iyo Kostas ayuu tababare Jurgen Klopp bedel kusoo galiyay kulankii ay xalay ka adkaadeen Stuttgart qaybtiisii dambe iyadoo ay ciyaartaasi ahayd midii ugu horreysay ee ay Reds ka ciyaareen kulamada saaxiibtinimo.

Tsimikas ayaa kulankaas qaab wanaagsan uga soo dhalaalay balse waxa uu xilli horeba hadalo gantaal ah kala kulmay Milner,

Maakrafoonada garoonka ayaa laga maqlayay James Milner oo ku qaylinaya xiddiga kuna leh “Kostas Fu****ng hell” maadaama oo uu ka cadhooday kubad uu doonayay inuu dhiibto oo uu baxo oo uu Kostas u dhiibi waayay baaska.

Kulanka kaddib ayuu Milner bartiisa Instagram soo dhigay sawirkiisa kulanka isaga oo dhinaca kale arrintan dib u milicsaday isla markaana qoraal “Kusoo dhawaw Liverpool ah u qoray Kostas Tsimikas”

Intaas kaddib daafaca bidix ayaa qaybta qaalada ee sawirkaas ku aragti dhiibtay isaga oo aan wax cadho ah muujin waxaana uu soo qoray “Mahadsanid walaal” isaga oo soo raaciyay sawiro yar yar oo qosol muujinaya.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.