Yaa Joojin Kara? Waatan Shaxda Ay Adkaan Doonto In Hal Guul Laga Gaadho Ee Ay PSG Kusoo Dagaal Geli Karto Xilli Ciyaareedka Dambe

Wararka xanta ah ee sheegaya in weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo doonayo inuu ku biiro Paris Saint-Germain ayaan ahayn kuwo tagaya dhawaanahan iyadoo la filayo inay mudo sii jiraan.

Kaddib markii uu qalbi jab la kulmay xilli ciyaareedkiisii labaad ee uu ku qaadanayay magaalada Turin, xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Portugal ayaa lala xidhiidhinayaa inuu u wareegayo dhinaca caasimada France.

Heshiiskaas la hadal hayo ayaa ah mid caadiyan aan u muuqan wax macquul ah gaar ahaan marka la eego xadiga lacagta ah ee ay PSG kusoo bixisay Kylian Mbappe iyo Neymar JR suuqyadii ugu dambeeyay.

Laakiin kooxda kusoo guuleysatay horyaalka France ayaa horeba uga soo yaabsatay dunida, waxa xaqiiqo ah in bilihii hore ee 2017 aysan jirin cid sheegi karaysay inay badhtamaha sanadka heshiis 222 Milyan oo euro ah kula wareegi doonaan Neymar.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa shax ay adkaan doonto in xilli ciyaareedka dambe la loodiyo oo ay suurogal tahay in Paris ay kusoo dagaal gasho.

Shaxdan ayay afarteeda daafac ku cusub yihiin saddexda xiddig ee kala ah Leo Dubois oo daafaca midig wacdarro kaga dhigaya Lyon, daafaca dhexe ee Inter Milan ee Milan Skriniar iyo daafaca bidix ee Real Madrid ee Sergio Reguilon oo amaah ugu maqan Sevilla.

Saddexleyda khadka dhexe ee shaxdan ayay ku cusub yihiin James Rodriguez oo isaguna Real Madrid ah balse aan looga baahnayn sii joogista kooxdaas iyo waliba Thiago Alcantara oo bixitaan ka dalbaday kooxdiisa Bayern Munich isla markaana ay doonayso Liverpool.

Saddexleyda weerar ee shaxdan ayaa laga saaray Mauro Icardi oo asal ahaan PSG ka tirsan waxaana Neymar iyo Kylian Mbappe la midaysan Cristiano Ronaldo.

Shaxda Oo Dhammaystiran

Keylor Navar, Dubois, Marquinhos, Skriniar, Reguilon, Verratti, James, Thiago, Mbappe, Ronaldo, Neymar

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.