Yaa Joojin Kara? PSG Oo Midaynaysa Neymar, Mbappe Iyo Ronaldo & Go’aanka CR7 Ee Haddii Uu Juventus Ka Tagayo Oo La Shaaciyay

Kooxda caasimada France ee Paris Saint-Germain ayaa la sheegayaa inay wali ku riyoonayso inay lasoo saxeexato weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo iyagoo doonaya inay la mideeyaan Kylian Mbappe iyo Neymar JR oo ay horeba kooxda ugu haystaan.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkiisii saddexaad ku qaadanaya Juventus kaddib markii uu ciyaaryahanka kusoo guuleystay shanta Ballon d’Or waayo ciyareed oo cajiib ah kula soo raaxaystay kooxaha Real Madrid iyo Man United.

Laakiin kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa ah mid mudo lala xidhiidhinayay inuu iskaga tagayo magaalada Turin waxaana halkaas kasii socda wali wararka xanta ah.

Sida uu sheegayo wargeyska Talyaaniga kasoo baxa ee CalcioMercato, Paris Saint-Germain ayay macquul tahay inay saxeexa Ronaldo dalab ka gudbiso markale sanadka dambe.

Si kastaba, warbixinta ayaa intaas ku daraysa go’aanka Ronaldo iyo haddii uu doonayo inuu Allianz Stadium iskaga baxo iyadoo sheegaysa in uu doonayo inuu dhammaysto heshiiskiisa Juve ee ilaa xagaaga 2022 gaadhsiisan.

Ronaldo ayaa halkiisa kasii wada inuu qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ku muujiyo Bianconeri walow uu 35 sano jir yahay isagoo laba kulan oo uu u ciyaaray saddex gool kusoo dhaliyay.

Ugu dambayn, CR7 ayaan wali rumayn rajadii ay Juventus ula soo saxeexatay ee ahayd inuu Champions League u qaado, shaqo ahaan Ronaldo ayaa dhinaciisa goolasha usoo dhalinayay kulamadii ay CL ka ciyaareen balse kooxda ayaa kusoo hadhay wareega 16-ka iyo 8-da labadii sano ee uu joogay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.