Xubnaha Barcelona Oo Codka Kalsoonida U Qaadaya Madax Wayne Josep Maria Bartomeu Si Ay Burburka Kooxda Ku Socda Uga Badbaadiyaan.

Madax waynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa wajahaya waqti adag oo maamulkiisa ka mid ah kadib markii uu soo qaatay sanad musiibo wayn ku ahaa kooxda Camp Nou ka dhisan ee Barcelona.

War soo baxay ayaa sheegaya in xubanaha kooxda Barcelona ay codka kalsoonida u qaadi doonaan madax wayne Josep Maria Bartomeu iyo maamulkiisa kadib markii ay arkeen in kooxdu ay ku socoto meel ay adag tahay in laga soo celin karo.

GRAFCAT9036. BARCELONA, 06/07/2020.- El presidente del FC Barcelona, Josep Maria Bartomeu, durante la presentación del lituano, Sarunas Jasikevicus, como nuevo entrenador del conjunto azulgrana de baloncesto. EFE/Alejandro García.

Josep Maria Bartomeu ayaa soo qaatay sanadkii kooxdiisa Barcelona ugu xumaa dhinac kasta oo ay noqotaba min garoonka dhexdiisa ilaa maamulka waxaana jiray dhacdooyin taxani ahaa oo midba tan kale ay ka sii xumayd.

Laakiin xubanaha golaha Barcelona ee soo doorta madax waynaha kooxda ayaa hadda u muuqda kuwo uu samirkii ka dhamaaday waxayna doonayaan in ay soo gole joojiyaan Josep Maria Bartomeu si codka kalsoonida loogu qaado.

Waxay xubnaha Barcelona u arkaan in Josep Maria Bartomeu uu yahay mid ku fashilmay shaqadii kooxdooda ee loo igmaday waxaana suurtogal ah in uu shaqadiisa lumiyo.

Josep Maria Bartomeu waxa uu Barcelona ku soo burburiyay saxiixyadii abid ugu liitay ee Camp Nou laga sameeyay, waxa uu noqday mid xubnihii kooxda ugu sareeyay ay is khilaafeen oo ay lix ka mid ahi hal mar iswada casileen xili ciyaareedkan.

Waxa kale oo Josep Maria Bartomeu lagu haystaa dhacdooyin badan oo qaar ka mid ah baadhitaano lagu sameeyay balse waxa ugu wayn ayaa ah heerka liidashada kooxda kubbada cagta Barcelona ee xili ciyaareedkan.

Josep Maria Bartomeu ayaa shaqada ka caydhiyay Valverde laakiin waxa uu ku badalay Setien oo loo arkayay in uu ahaa mid ka sii meeqaam liita ninka uu tababaraha ka joojiyay, laakiin waxay xaaladu sii xumaatay markii siyaasad xumada Bartomeu ee suuqa kala iibsigu ay heer kale gaadhay.

Bartomeu ayaa lagula yaabay in uu Arthur Melo oo 23 sano jir ah oo aan wali gaadhin heerkiisii ugu fiicnaa uu Juventus ku qasbay si uu u helo Pjanic oo intii ugu badnayd waayihiisii ciyaareed soo dhamaystay oo 30 sano jir ah.

Waxay taasi keentay in khilaafkii qolka labiska Barcelona iyo Bartomeu uu sii xumaatay maadaama oo uu Messi hore u sheegay in Arthur Melo uu la mid yahay Xavi isla markaana uu ku faraxsanaa in uu kooxda sii joogo.

Xaalada ayaa ka sii dartay markii uu Lionel Messi cadaystay cadhada uu u hayo macalinka uu Bartomeu soo magacaabay ee Setien isla markaana uu shaki wayni sii galay mustaqbalka kabtanka Barcelona.

Laakiin arinta ugu wayn ee Bartomeu fashilka ugu wayn u keenaysa ayaa ah in kooxda kowaad ee Barcelona ay hadda noqotay mid gabi ahaanba burbur qarka u saaran isla markaana ay ciyaartoyda ugu badani gaadheen ama dhaafeen da’da 30 sano jir.

Bartomeu ayaa dhexda kaga jira xaalado murugsan waxayna warbaahinta Spain shaaciyeen in kooxo ka mid ah xubanaha kooxda Barcelona ay diyaarinayaan mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Bartomeu si kooxda loo badbaadiyo.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.