Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaalada Kieran Tierney, Inuu Ka Caafimaad Qabo Korona & Haddii Uu Diyaar U Yahay Kulanka Man City

Jamaahiirta Arsenal ayaa xog cusub ka helaya diyaar ahaanshaha kulanka adag ee ay Manchester City booqan doonaan ee daafacooda Kieran Tierney kaas oo aan ka qayb qaadan kulamadii dalkiisa Scotland uu kasoo ciyaaray Nations League.

Tierney ayaa lagu amray inuu mudo 14 maalmood ah karantiin galo kaddib markii uu xidhiidh la sameeyay Stuart Armstrong oo laga helay sadhada Korona Fayras.

These fans debate who's better: Tierney or Robertson

Tierney ayaa haatan si buuxda uga caafimaad qaba xanuunka iyadoo tijaabooyin dhawr ah oo lagu sameeyay lagaga waayay balse Arsenal ayaan wax horumar ah ka samayn inay dawlada Scotland u ogolaato inuu qayb ka ahaado safkooda kulanka City.

Armstrong oo xanuunka laga helay balse aan wax calaamado ah lahayn ayaa lagu amray inuu karantiin 10 maalmood ah galo isaga oo ka maqnaa saddexdii kulan ee dalkiisu ciyaaray dhawaanahan.

Arsenal ayaa wadatay caddaymo ah inaan xiddigeeda 14 maalmood karantiin la gelin karin iyagoo caddayntooda ugu weyni ahayd inuu 2.8 Meter meel u jirta Armstrong fadhiisan jiray.

Balse Tierney ayaa xidhiidh dhaw la lahaa Armstrong maadaama ay labadooda iyo Ryan Christie ku ciyaareen ciyaar gacmeed (Game) huteelka uu qaranka Scotland degen yahay.

Maqnaanshaha Tierney ee kulanka Manchester City ayaa dhirbaaxo ku noqonaya Arsenal maadaama uu ciyaaryahankii hore ee Celtic door muhiim ah ka yeeshay shaxda tababare Mikel Arteta.

Ainsley Maitland-Niles, Bukayo Saka iyo Saed Kolasinac ayaa ah saddex dookh oo uu Arteta booska daafaca bidix ee Tierney u adeegsan karo ciyaarta Sabtida ee Etihad Stadium.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.