Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaalada Caafimaad Ee Thiago Alcantara & Haddii Uu Diyaar U Yahay Kulanka Holaca Ah Ee Everton

Kooxda Liverpool ayaa war ay ku faraxdo ka helaysa xaalada caafimaad ee saxeexeeda cusub ee Thiago Alcantara kaas oo dhawaan laga helay xanuunka saf-marka ah ee Korona Fayras isla markaana seegay kulamo dhawr ah.

Thiago ayaa ilaa hadda 45 daqiiqo usoo ciyaaray Reds isagoo kahor tagay Chelsea toddobaadkii labaad ee Premier League isla markaana rekoodh cajiib ah kusoo sameeyay wakhtigaas kooban.

Image

Si lamid ah kulamada uu ka maqnaa Liverpool, Thiago ayaa sidoo kale seegay waajibaadkiisa qaran ee xulka Spain oo kulan saaxiibtinimo la yeeshay Portugal kahor intii aysan xalay ciyaar UEFA Nations League ah guul 1-0 ah ka gaadhin Switzerland.

Alcantara ayaan ahayn ciyaaryahanka kaliya ee Liverpool ka tirsan ee xanuunkaasi haleelay balse waxa sidoo kale maalmihii ugu dambeeyay laga helay Sadio Mane iyo Xherdan Shaqiri.

Haddaba, Thiago ayaa qish wanaagsan siiyay jamaahiirta kooxdiisa kaddib markii uu soo dhigay barihiisa bulshada sawirka ah isagoo dhex socda badhtamaha magaalada Liverpool taas oo caddayn u ah inuu ka baxay karantiinkii xanuunka.

Alcantara ayay ka dhigantahay inuu karantiinkii ka baxay inuu fursad weyn u haysto inuu kasoo muuqdo kulanka Merseyside Derby ee ay Reds Sabtida gegida Goodison Park ku booqan doonaan kooxda hoggaanka u haysa horyaalka ee Everton.

Liverpool ayaa kulankeedii ugu dambeeyay ceeb culus kala soo kulantay Aston Villa oo ay Villa Park ku booqdeen taas oo natiijo culus oo 7-2 ah dhabarka usoo saartay.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

  1. Alcanatar la aantii ayan champion iyo horyaal qaanay alcantara oyimadana haal cup ooaan daynayno malahan

Leave a Reply

Your email address will not be published.