XOG: Weerarka Liverpool Oo Cidlo La Diray Iyo Qiimayn Dhab Ah Oo Lagu Sameeyay Weerar Yahanada Saddexda Ah Ee Yurub Ugu Fiican.

Inta badan waxaa soo xidhmay horyaalada waa wayn ee Yurub inkasta oo wali la sii ciyaarayo kulamadii ugu danbeeyay ee horyaalka Serie A, waxaana qiimayn xog muhiim ah ku salaysan lagu sameeyay min saddexda weerar yahan ee Yurub ugu fiican.

Saddexda gool dhaliye ee kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa indhaha kubbada cagta soo hayay saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay waxayna Reds ka soo caawiyeen in ay koobab waa wayn ku soo guulaysatay.

Laakiin xili ciyaareedkan waxaa si wayn looga sareeyaa gool dhaliyaasha Liverpool ka soo caawiyay koobka Premeir League iyo koobabka kale ee Club World Cupka iyo UEFA Super Cupka.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qiimaynta xogta min saddexda gool dhaliye ee kooxaha Yurub ugu fiican.

Qiimayntani waxay ku salaysan tahay saddex gool dhaliye oo kastaa goolasha ay kooxdooda u soo dhaliyeen, gool caawinta ay sameeyeen, fursad abuurista ay sameeyeen, darbooyinka ay tuureen, kubbadaha ay dhexda ka qabsadeen iyo waliba taakalada ay sameeyeen.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan min saddexda gool dhaliye ee kooxaha Yurub xili ciyaareedkan ugu fiican iyo saddex kastaaba kaalinta ay xogta aan soo sheeegnay ugu jiraan.

Dhinaca gool dhalinta ee weerar yahanada saddex aflaha ah ee kooxaha Yurub waxaa hogaaminaya gool dhaliyaasha Barcelona ee Lionel Messi, Luis Suarez & Antoine Griezmann iyo kuwa Bayern Munich ee Serge Gnabry, Robert Lewandowski & Kingsley Coman.

Laakiin gool caawinta waxaa sidoo kale hogaaminaya weerarka Barcelona ee Lionel Messi, Luis Suarez & Antoine Griezmann laakiin xogtan ay weerarka Barca ugu sareeyaan ayaan ilaa hadda wax koobab ah ka caawin xili ciyaareedkan waana sababta aan in badan loo hadal hayn.

Halkan kaga bogo xogta min saddex gool dhaliye kasta oo xili ciyaareedkan kooxaha Yurub ugu fiican oo qayb kastaba qiimayntooda hal meel aanu idiinku soo koobnay.

Liverpool | Mohamed Salah, Sadio Mane, Roberto Firmino

  • Goolasha: 46 (4 aad)
  • Gool caawinta: 24 (2 aad)
  • Fursad Abuurista: 169 (1 aad)
  • Darbooyinka: 304 (2 aad)
  • Taakalada: 95 (1 aad)
  • Kubadaha dhexda laga qabtay: 28 (3 aad)

Bayern Munich | Serge Gnabry, Robert Lewandowski, Kingsley Coman

Bayern won the Bundesliga title

  • Goolasha: 50 (1 aad)
  • Gool caawinta: 17 (3 aad)
  • Fursad Abuurista: 123 (4 aad)
  • Darbooyinka: 270 (4 aad)
  • Taakalada: 73 (2 aad)
  • Kubadaha dhexda laga qabtay: 27 (4 aad)

Barcelona | Lionel Messi, Luis Suarez, Antoine Griezmann

Barca's front three are frightening

  • Goolasha: 50 (1 aad)
  • Gool caawinta: 33 (1 aad)
  • Fursad Abuurista: 148 (3 aad)
  • Darbooyinka: 293 (3 aad)
  • Taakalada: 58 (4 aad)
  • Kubadaha dhexda laga qabtay: 20 (5 aad)

Manchester United | Marcus Rashford, Anthony Martial, Mason Greenwood

Man Utd have been great since the restart

  • Goolasha: 44 (5 aad)
  • Gool caawinta: 14 (4 aad)
  • Fursad Abuurista: 75 (7 aad)
  • Darbooyinka: 210 (6 aad)
  • Taakalada: 44 (5 aad)
  • Kubadaha dhexda laga qabtay: 20 (5 aad)

PSG | Neymar, Mauro Icardi, Kylian Mbappe

PSG are exciting to watch

  • Goolasha: 43 (6 aad)
  • Gool caawinta: 13 (5 aad)
  • Fursad Abuurista: 90 (6 aad)
  • Darbooyinka: 194 (7 aad)
  • Taakalada: 23 (7 aad)
  • Kubadaha dhexda laga qabtay: 9 (7 aad)

Juventus | Federico Bernardeschi, Paulo Dybala, Cristiano Ronaldo

Ronaldo and Dybala have a great partnership

  • Goolasha: 43 (6 aad)
  • Gool caawinta: 12 (7 aad)
  • Fursad Abuurista: 143 (3 aad)
  • Darbooyinka: 331 (1 aad)
  • Taakalada: 43 (6 aad)
  • Kubadaha dhexda laga qabtay: 30 (2 aad)

Manchester City | Riyad Mahrez, Sergio Aguero, Raheem Sterling

Sterling and Aguero combine well

  • Goolasha: 47 (3 aad)
  • Gool caawinta: 13 (5 aad)
  • Fursad Abuurista: 122 (5 aad)
  • Darbooyinka: 239 (5 aad)
  • Taakalada: 59 (3 aad)
  • Kubadaha dhexda laga qabtay: 35 (1 aad)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.