XOG: Waa Kuwee Labada Kooxood Ee Kaliya Ee Premier League Ka Dhisan Ee Ayna Ciyaartoy Muslimiin Ahi Ku Jirin-Imisa Ciyaartoy Oo Muslim Ah Ayaa PL Ka Ciyaara?

Horyaalka Premier league ayaa ah kan ugu xiisaha badan kubbada cagta aduunka wuxuuna noqday midka ugu soo jiidashada badan ciyaartoyda kubbada cagta aduunka laakiin waxa uu sidoo kale u muuqdaa mid si khaas ah u soo jiidanaya ciyaartoyda Muslimiinta ah.

Waxaa jiray waqti ay aad qariib u ahayd in ciyaartoy badan oo Muslim ah lagu arko kubbada cagta England laakiin waxaa jira isbadal wayn oo ku yimid tirada ciyaartoyda muslimka ah ee Premier League ka shaqaysta.

Ciyaartoydii hore ee caanka ahaa ee Premeir League ka soo ciyaaray ee muslimka ahaa waxaa ka mid ahaa Nicolas Anelka, Kolo Toure, Salomon Kalou iyo Emmanuel Adebayor laakiin waqtigaas faro ku tiris ayay ahaayeen ciyaartoyda Muslimka ahaa ee Premeir League saamynta ku lahaa.

Waqti xaadirkan ciyaartoy badan oo halka ugu saraysa kaga jirta kubbada cagta England ayaa ah kuwo Muslimiin ah waxaana ka mid ah Mohamed Salah, Pual Pogba, Sadio Mane, Mesut Ozil iyo magacyo badan oo aanu halkan hoose idiinku soo bandhigi doono.

Waxaa naga afeef ah in liiskan ay ku jiraan ciyaartoyda aan hubno in ay Muslimiin yihiin, haddii aad dareento in ay ka maqan yihiin ciyaartoy kale oo muslim ah oo Premier League ka ciyaara waxaad noogu soo gudbin kartaa qaybta commentska iyada oo aanu insha Allah ku soo dari doono.

Waxaa jira laba kooxood oo kaliya oo xili ciyaareedkan ayna kooxahooda ku jirin ciyaartoy muslim ahi waxayna ka yihiin kooxaha Burnley iyo Newcastle United.

Laakiin kooxaha qaar waxaa ku jira ciyaartoy shan ama afar ciyaartoy halka kuwo kale ay ku jiraan saddex ciyaartoy, laba ciyaartoy ama ugu yaraan hal ciyaartoy.

Paul Pogba prostrating after scoring for Manchester United

Haddaba halkan kaga bogo koox kasta oo Premier League xili ciyaareedkan ku jirtay iyo ciyaartoyda muslimka ah ee kooxdeeda ka tirsanaa.

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Arsenal 

  • Granit Xhaka (Switzerland)
  • Mesut Ozil (Germany)
  • Mohamed Elneny (Egypt)
  • Sead Kolasinac (Bosnia-Herzegovina)
  • Shkodran Mustafi (Germany)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Aston Villa 

  • Ahmed El Mohamady (Egypt)
  • Anwar El Ghazi (Netherlands)
  • Trezeguet (Egypt)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Bournemouth 

  • Asmir Begovic (Bosnia-Herzegovina)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Brighton 

  • Alireza Jahanbakhsh (Iran)
  • Beram Kayal (Israel)

Burnley ma haysan ciyaartoy muslim ah

  • (N/A)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Chelsea 

  • Antonio Rudiger (Germany)
  • N’Golo Kante (France)
  • Kurt Zouma (France)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Crystal Palace 

  • Cheikhou Kouyate (Senegal)
  • Jordan Ayew (Ghana)
  • Mamadou Sakho (France)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Everton 

  • Cenk Tosun (Turkey)
  • Djibril Sidibe (France)
  • Oumar Niasse (Senegal)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Leicester City

  • Caglar Soyuncu (Turki)
  • Eldin Jakupovic (Swiss)
  • Hamza Choudhury (Inggris)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Liverpool

  • Mohamed Salah (Egypt)
  • Sadio Mane (Senegal)
  • Xherdan Shaqiri (Switzerland)
  • Naby Keita (Guinea)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Manchester City 

  • Ilkay Gundogan (Germany)
  • Riyad Mahrez (Aljazair)
  • Benjamin Mendy (Prancis)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Manchester United 

  • Paul Pogba (France)

Newcastle ma haystaan ciyaartoy muslim ah

  • (N/a)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Norwich City

  • Ibrahim Amadou (France)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee  Sheffield United 

  • Muhamed Besic (Bosnia & Herzegovina)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Southampton

  • Sofiane Boufal (Morocco)
  • Mohamed Elyounoussi (Switzerland)
  • Moussa Djenepo (Mali)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Tottenham

  • Moussa Sissoko (France)
  • Serge Aurier (France)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Watford 

  • Abdoulaye Doucoure (France)
  • Ismaila Sarr (Senegal)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee West Ham United

  • Issa Diop (France)

Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Wolves 

  • Adama Traore (Spanyol)

Sida aan soo sheegnay haddii aad xusuusato ciyaartoy muslim ah oo aan ka tagnay fadlan waxaad nagula wadaagi kartaa qaybta commentska adiga oo iska hubsanaya.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

67 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.