XOG: Waa Kuwan SHANTA Xiddig Ee Horyaalada Yurub Ugu Wanaagsan Ilaa Hadda & Saddex Kamida Oo Lama Filaan Kugu Noqonaya

Tartamada horyaalada Yurub gaar ahaan shanta horyaal ee loo yaqaano kuwa waaweyn ayaa si habsami leh uga socda qaaradaas, iyadoo haatan fasax caalami ah oo kulamadii qaramada ah la galay ayay tahay wakhtiga ku haboon ee qiimaynaha ilaa haatan la samayn karo.

Walow aysan wali horyaaladu sidii loogu tartamayay u qaabaysmin haddana Everton ayaa Premier League hoggaaminaysa, Real ayaa hoggaanka u haysa La Liga, RB Leipzig ayaa farqiga goolasha ku horkacaysa Bundesliga, Atlanta oo hal gool ka sarreysa Milan ayaa Serie A hoggaaminaysa halka Ligue 1 ay Rennes iyo Lille wada hayaan.

Haddaba, iyadoo haatan kulamada heer kooxeed laga nasanayo ayay shabakadda WhoScored soo saartay shanta ciyaaryahan ee ilaa haatan qiimaynta ugu sarreysa haysta horyaalada waaweyn ee Yurub.

Saddex magac oo lama filaan kugu noqon kara ayaa ah kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish, mucjisada yar ee Barcelona ee Ansumane Fati, kabtanka Atlanta ee Papu Gomez, hoggaamiyaha Bayern Munich ee Robert Lewandowski iyo jawharada PSG ee Kylian Mbappe.

Iyadoo ay xaqiiqo tahay in kooxda haatan ugu qiimaynta badan Yurub oo dhammi ay tahay Aston Villa ayuu kabtankeeda Grealish qiimaynta WhScored ku helay 8.54 tobbankiiba halka da’yarka Barcelona ee Fati oo xiddigii bisha ee La Liga loo noqday uu helay 8.13.

Kabtanka kooxda mucjisada ku ah Serie A ee Gomez ayaa kusoo baxay 8.70 qiimayn ah halka Lewandowski uu 8.24 helay, Mbappe oo ah midka ugu qiimaynta sarreeya ayaa isaguna hoggaanka ku haya 8.84.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.