XOG: Waa Kuwan LIXDA Arimood Ee Cadaynta U Ah In Mikel Arteta Uu Dib U Soo Celin Karo Kooxda Sanadaha Soo Dhibtoonaysay Ee Arsenal.

Sanadihii ugu danbeeyay waxay kooxda Arsenal soo ahayd mid gabi ahaanba hoos uga dhacday maqaamkii ay ku lahayd kubbada cagta Yurub iyo horyaalka Premier league waxaana loo arkayay in ay noqonayso koox maraysa dariiqii ay kooxo badan oo waa wayni ku seegeen saamayntii ay ku lahaayeen kubbada cagta.

Laakiin Mikel Arteta oo iska soo casilay caawiyenimadii Pep Guardiola xili ciyaareedka oo in in badani tagtay markii Unai Emery la caydhiyay ayaa muujiyay ififaale rajo u abuuraya jamaahiirta Gunners.

Sanado badan oo ay jamaahiirta Arsenal soo wadeen ololihii caan baxay ee “Wingerout” waxaa u xigtay in ay garan waayaan waxay sameeyaan kadib markii ay kooxdu gashay heerkii ugu xumaa muddo dheer waxayna isku badaleen kuwo quustay oo haddaba arkayay waxa dhaca oo kaliya.

Laakiin guushii uu Mikel Arteta ka gaadhay FA Cupka ee uu Arsenal koob ugu qaaday muddo xili ciyaareed badhkii ah iyo waliba qaab maamulkiisa ayaa keentay in lix arimood laga soo dhex saari karo.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa lixda arimood ee cadaynta u ah in Mikel Arteta uu Arsenal ku soo celin karo doorkii ay ku lahaayeen Premier League iyo kubbada cagta Yurub halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

1-Mikel Arteta Oo Horumarin Ku Sameeyay Ciyaartoydii uu Lakala Sareegay Unai Emery

Markii uu Mikel Arteta la wareegay shaqada kooxda Arsenal waxay ciyaartoydu ahaayeen kuwo mooraal ahaan dhulka u yaalay waxaana la xusuustaa xaaladii qolka labiska Arsenal ee dhacdooyinka badan lahayd.

Tusaale ahaan Granit Xhaka ayaa gabi ahaanba u muuqatay in ay soo dhamaysay waayihiisii ciyaareed ee Arsenal kadib markii ay jamaahiirta kooxdiisa si xun iskugu dhaceen isla markaana ay ku habaareen in uu dhinto.

Waxa kale oo qof kastaaba mar khaati ka ahaa nacaybkii loo hayay Shkodran Mustafi kaas oo lagu tilmaamayay difaacii abid ugu xumaa ee Arsenal laakiin waxa uu ahaa xidigii labaad ee Arsenal soo dhaafiyay kooxdii FA Cupka iska soo yeelatay ee Man City.

Isbadalka saamaynta Arteta ay ku yeelatay Shkodran Mustafi iyo Granit Xhaka waxay tusaalaha ugu dhaw u tahay sida uu isbadal wanaagsan ugu abuuray ciyaartoydii uu Unai Emery ka dhaxlay waana astaan muujinaysa in haddii uu waqti fiican helo uu isbadalo ka badan samayn karo.

2- Mikel Arteta Hadda Ma Jirto Cid Uu Ka Cabsanaya Oo Tababarayaasha Waa Wayn Ahi.

Markii uu Arsenal la wareegay Mikel Arteta waxay Arsenal haysatay fursadii ugu waynayd ee ay kula wareegi kareen khabiirka kubbada cagta ee Carlo Ancelotti kaas oo kadib u dhaqaaqay Everton waxaana loo arkayay go’aankii ugu xumaa ee ay maamulka Arsenal qaateen.

Laakiin Mikel Arteta xili ciyaareedkii aan dhamayska tirnayn ee uu Arsenal hogaaminayay waxa uu awooday in uu guulo ka gaadho Pep Guardiola, Jurgen Klopp, Ole Gunnar Solskjaer, Carlo Ancelotti iyo Frank Lampard oo uu koobka FA Cupka ka xoogay.

Waxay arintani cadaynaysaa in Arteta aanu hadda cidna uga cabsanayn in uu kulan wayn ka hor yimaado waana arin muujinaysa in xili ciyaareedka cusub ay tababarayaasha waa wayn ku xisaabtami doonaan sidii ay Arteta uga walwali lahaayeen.

3- Arteta Waxa Uu La Tacaali Karaa Xaalada Qalafsan Ee Qolka Labiska Kooxdiisa Arsenal.

Markastaba waxaa la ogyahay in kubbada cagtu ay abuurto xaalado khilaaf iyo isku dhacyo keena in tababarayaasha iyo ciyaartoydu ay isku dhacaan, waxaana Arteta lagu qiimeeyay sida uu ula tacaalay xaaladaha Matteo Guendouzi iyo Mesut Ozil.

Tababarayaasha da’yarta ahi waxay ka cabsadaan in ay khilaaf la galaan ciyaartoyda kooxda magaca ku leh ama ay taageerayaashu jecel yihiin, laakiin Arteta waxa uu si layaableh go’aano uga qaatay Matteo Guendouzi iyo Mesut Ozil haddii uu sax sanaa iyo haddii uu khaldanaaba.

Waxay xaaladaha Matteo Guendouzi iyo Mesut Ozil ee Arteta muujinayaan in aanu cidna u daba fadhiisan go’aan ka gaadhista kooxdiisa isla markaana u go’aankiisu ka soconayo qolka labiska taas oo saamaynteeda leh.

Riix 2 si aad xogta oo dhan u sii akhrisato

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

5 Comments

  1. Haa way noqonagsaa, Arsenal meeqaamkeedii bay ku soo laabanaysaa ee ha is diyaariyaan kooxaha waa wen oo dhani, mid walba waan soo dilnadilnay M. City, Chelsea, M. United, Liverpool, Tottenham, Leicester City iwm yaa hadhay dee?

Leave a Reply

Your email address will not be published.