XOG: Min 10kii Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Arsenal & Chelsea Iyo Qiimaynta Ciyaartoydii Labada Kooxood Ka Hor Kulanka Finalka FA Cup

Arsenal iyo Chelsea waxay maanta ku ballansan yihiin garoonka qaranka ee Wembley, waxaanay ku dagaallamayaan finalka FA Cup oo midkooda ku guuleysta uu lacag badan iyo sumcad ba soo hoysan doono.

Kooxda ku guuleysata koobka FA Cup, waxa kale oo ay fursad u helaysaa inay ciyaarto Community Shield oo ay dhamaadka bishan August kaga hor tegi doono isla garoonkan Wembley, hase yeeshee labada kooxood waxay ku kala jiraan duruufo kala duwan.

Arsenal ayaa uga baahi badan Chelsea koobka ay maanta ku hirdamayaan, sababtoo ah, Gunners waxay kasoo qayb-geli doontaa tartanka Europa League haddii ay badiso, sidoo kalena waxa la sheegayaa in mustaqbalka Aubameyang uu ku xidhan yahay natiijada ay ka keenaan kulankan.

Chelsea dhinaceeda waxay xilli hore xaqiijisatay booskeeda Champions League, laakiin suuqa ay sida weyn ugu jirto ayay uga baahan yihiin in lacagta finalka FA Cup ee kooxda guuleysata la siinayo, ay qayb ka noqoto dhaqaalaha ay u isticmaalayaan dibu-dhiska naadiga.

Ka hor kulankan, waxa aanu akhristeyaasha la wadaagaynaa xogta min tobankii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa ee soo maray Arsenal iyo Chelsea, kuwaas oo qayb ka ahaa guulihii ay koobkan iyo horyaalkaba ka gaadhayeen intii ay dhisnaayeen.

Qiimayn ay samaysay shabakadda xog ururinta iyo kaydinta diiwaanka la xidhiidha kubadda cagta ee Ranker, ayaa waxay caddaysay in xiddigii ugu wanaagsanaa ee soo maray Arsenal intii horyaalka loo bixiyey magaca Premier League uu yahay Thierry Henry. Laacibkan ayaa Gunners u dhaliyey 228 gool oo horyaalka ah.

Waxa Henry kusoo xiga Dennis Bergkamp, Patrick Vieira iyo Robert Pires.

Xiddiga reer Ivory Coast ee Didier Drogba ayaa isaguna noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda kooxda, sababtoo ah, waxa uu hormood u ahaa guulihii ay Blues gaadhaysay laga soo bilaabo sannadkii 2004, halka uu koobka kaliya ee Champions League ee ay kooxdu ku guuleysatay uu u qaaday sannadkii 2012.

Waxa kaalinta labaad soo galay Frank Lampard oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda kooxda, iyadoo uu saddexaadna soo cidhiidhsaday Eden Hazard oo afraad u diray John Terry.

Halkan kaga bogo min tobankii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa Arsenal iyo Chelsea

Chelsea

10. Michael Essien

9. N’Golo Kante

8. Claude Makelele

7. Ashley Cole

6. Gianfranco Zola

5. Petr Cech

4. John Terry

3. Eden Hazard

2. Frank Lampard

1. Didier Drogba

Arsenal

10. Marc Overmars

9. Sol Campbell

8. Freddie Ljungberg

7. David Seaman

6. Tony Adams

5. Ian Wright

4. Robert Pires

3. Patrick Vieira

2. Dennis Bergkamp

1. Thierry Henry

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.