XOG: Kaddib Heshiiskii Borussia Dortmund La Gashay Jude Bellingham, Waa Kuwee 30ka Xiddig Ee Ugu Qaalisan Ee Ay Da’doodu Tahay 18 Jir Ama Kasii Yar?

Borussia Dortmund ayaa  Isniintii si rasmi ah usoo bandhigtay xiddiga da’da yar ee Jude Bellingham oo ay saxeexiisa ku garaacdo kooxo waaweyn oo ay ku jiraan Manchester United, Arsenal iyo Chelsea.

Da’yarkan hibada leh ayaa raacay jidkii Jadon Sancho, waxaanu door biday inuu dibedda uga  baxo waddankiisa Ingiriiska oo uu ka ciyaaro Jarmalka, isaga oo mashruuc qanciyey ka helay Dortmund oo u sheegtay in sida ay ciyaartoyga weyn uga dhigtay Sancho oo kale ay uu isaguna dunida qabsan doono sannadaha soo socda.

Jude Bellingham oo lagu tilmaamo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee da’diisa ah ee dunida jooga waqtigan, waxa uu kooxda safka koowaad ee Birmingham City soo galay xili ciyaareedkan dhamaadka ah ee 2019/20, waxaanu markiiba soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn.

Borussia Dortmund ayaa kaga guuleysatay kooxihii kale ee la tartamayay, waxaanay ka bixisay £30 milyan oo Gini, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda da’yarta dunida ugu qaalisan.

Laakiin 17 jirkan ay Dortmund ka bixisay lacagta intaas le’eg ayaan kusoo bixin 10ka ciyaartoy ee 18 jirka ama ka hooseeya ah ee illaa hadda la kala iibsaday.

Shabakadda qiimaynta iyo xogta ee Transfermarkt ayaa ayaa soo bandhigtay 30ka ciyaartoy ee ay da’doodu tahay 18 jir ama ka hooseeya ee ugu qaalisan dunida, waxaanu Bellingham soo galay kaalinta 11aad.

Halkan kaga bogo 30ka ciyaartoy ee da’doodu 30 jir iyo ka yar tahay ee ugu qaalisan dunida

30. Ozan Kabak, Galatasary => Stuttgart

Da’da: 18

Xili ciyaareedka: 2018/19

Lacagta: €11m

29. Mateo Kovacic, Dinamo Zagreb => Inter Milan

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2012/13

Lacagta: €11m

28. Paulo Dybala, Instituto => Palermo

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2012/12

Lacagta: €11.9m

27. Breno, Sao Paolo => Bayern Munich

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2007/08

Lacagta: €12m

26. Ezequiel Barco, Independiente => Atlanta United

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2017/18

Lacagta: €12.3m

25. Bruma, Sporting Lisbon => Galatasaray

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2013/14

Lacagta: €13m

24. Lucas Ocampos, River Plate => AS Monaco

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2012/13

Lacagta: €13m

23. Alex Oxlade-Chamberlain, Southampton => Arsenal

Da’da: 17

Xili-ciyaareedka: 2011/12

Lacagta: €13.8m

22. Diego Lainez, America => Real Betis

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2018/19

Lacagta: €14m

21. Valeri Bojinov, Lecce => Fiorentina

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2004/05

Lacagta: €14m

20. Sebastien Frey, Cannes => Inter Milan

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 1998/99

Lacagta: €14m

19. Gareth Bale, Southampton => Tottenham

Da’da: 17

Xili-ciyaareedka: 2007/08

Lacagta: €14.7m

18. Romelu Lukaku, Anderlecht => Chelsea

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2011/12

Lacagta: €15m

17. Paulinho, Vasco de Gama => Bayer Leverkusen

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2018/19

Lacagta: €18.5m

16. Cristiano Ronaldo, Sporting Lisbon => Manchester United

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2003/04

Lacagta: €19m

15. Willem Geubbels, Lyon => AS Monaco

Da’da: 16

Xili-ciyaareedka: 2018/19

Lacagta: €20m

14. Stephan El Shaarawy, Genoa => AC Milan

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2011/12

Lacagta: €20.3m

13. Pietro Pellergi, Genoa => AS Monaco

Da’da: 16

Xili-ciyaareedka: 2017/18

Lacagta: €20.9m

12. Sergio Aguero, Independiente => Atletico Madrid

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2006/07

Lacagta: €21.7m

11. Jude Bellingham, Birmingham City => Borussia Dortmund

Da’da: 17

Xili-ciyaareedka: 2020/21

Lacagta: €23m

10. Alexandre Pato, Internacional => AC Milan

Da’da: 17

Xili-ciyaareedka: 2007/08

Lacagta: €24m

9. William Saliba, Saint-Etienne => Arsenal

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2019/20

Lacagta: €30m

8. Reinier, Flamengo => Real Madrid

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2019/20

Lacagta: €30m

7. Antonio Cassano, Bari => AS Roma

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2001/02

Lacagta: €31m

6. Alessandro Bastoni, Atalanta => Inter Milan

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2017/18

Lacagta: €31.1m

5. Renato Sanches, Benfica => Bayern Munich

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2016/17

Lacagta: €35m

4. Wayne Rooney, Everton => Manchester United

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2004/05

Lacagta: €37m

3. Luke Shaw, Southampton => Manchester United

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2014/15

Lacagta: €37.5m

2. Rodrygo Goes, Santos => Real Madrid

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2019/20

Lacagta: €45m

1. Vinicius Junior, Flamengo => Real Madrid

Da’da: 18

Xili-ciyaareedka: 2018/19

Lacagta: €45m

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.