XOG: 50ka Ciyaartoy Ee Koobabkii Ugu Badnaa Kusoo Guuleystay Qarnigan 21aad, Laacibiinta Aan Xasuustaada Ku Jirin Ee Ka Muuqda & Xogta Xiddigaha Hoggaanka Haya

Dani Alves ayaa hoggaaminaya xiddigaha koobabkii ugu badnaa ku guuleystay qarniga 21aad oo laga soo bilaabayo sannadkii 2000, waxaanu nasiib u yeeshay in isaga oo Sevilla lasoo qaaday koobab Europa League ah uu la kowsado cahdigii guulaha ee Barcelona.

Kooxda reer Spain ayaa nasiib u yeelatay inay urursato xiddigaha ugu wanaagsan dunida 17kii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaanay ka caawiyeen inay gacanta ku dhigaan koobabkii ugu badnaa oo tiradoodu u dhow dahay intii ay cimrigiida oo dhan soo qaadeen.

50ka ciyaartoy ee koobabka ugu badan ku guuleystay qarnigan, waxa hormood u ah Dani Alves oo 41 koob ku guuleystay waqtiyadii uu u ciyaarayay Sevilla, Barcelona, Juventus iyo PSG, kuwaas oo loogu daray guulo uu la gaadhay xulka qarankiisa Brazil.

Kubbad-sameeyaha reer Spain ee Andres Iniesta ayaa kaalinta labad ku jira, waxaanu Barcelona iyo xulka qaranka Spain oo la isku daray uu la qaatay 39 koob, waxaana saddexaad soo galay oo labadoodaba inuu dhaafo fursad u haysta Lionel Messi oo 37 koob qaaday intii uu ciyaaraha ku jiray.

‘Laacibka reer Argentina oo ay da’diisu tahay 33 jir waxa uu wali ku jiraa qaab ciyaareed wanaagsan oo uu sannado kale sii joogtayn karo, kuwaas oo fursad u siin kara inuu soo qabto afarta koob ee uu ka horreeyo Davi Alves, iskuna qoro buugga kaydka taariikhda oo uu noqdo laacibka koobabka ugu badan haysta.

Maxwell oo Barcelona iyo PSG u ciyaaray ayaa Lionel Messi kala siman dhinaca koobabka waxaanu haystaa 37 koob, halka Gerard Pique uu gacanta ku dhigay 36 koob.

Shabakadda xog ururinta iyo qiimaynta ee Transfermarkt ayaa shaacisay xogta 50ka ciyaartoy ee ugu koobabka badan leh qarnigan 21aad, waxaana halka ugu hoosaysa fadhiya Mario Mandzukic oo Juventus, Atletico Madrid iyo Bayern Munich la qaatay waqtiyadiisii ugu wanaagsanaa waxaanay isku mid yihiin David Alaba iyo Blaise Matuidi oo ay min 23 koob ku wada guuleysteen.

Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee koobabka ugu badan ku guuleystay:

50. Mario Mandzukic – 23 koob

49. David Alaba – 23 koob

48. Blaise Matuidi – 23 koob

47. Neymar – 24 koob

46. Julio Cesar – 24 koob

45. Mohammad Al-Shalhoub – 24 koob

44. James Rodriguez – 24 koob

43. Javier Mascherano – 24 koob

42. Victor Valdes – 24 koob

41. Yaroslav Rakitskiy – 24 koob

40. Manuel Neuer – 24 koob

39. Jerome Boateng – 24 koob

38. Deco – 25 koob

37. Edinson Cavani – 25 titles

36. Marquinhos – 25 titles

35. Luisao – 25 titles

34. Marco Verratti – 25 koob

33. Mark van Bommel – 25 koob

32. Thomas Muller – 25 koob

31. Franck Ribery – 25 koob

30. Iker Casillas – 25 koob

29. Gianluigi Buffon – 25 koob

28. Sergio Ramos – 26 koob

27. Carlos Tevez – 26 koob

26. Angel Di Maria – 26 koob

25. Pepe – 26 koob

24. Carles Puyol – 26 koob

23. Andriy Pyatov – 26 koob

22. Toni Kroos – 26 koob

21. Bastian Schweinsteiger – 26 koob

20. Thiago Motta – 27 koob

19. Fernandinho – 28 koob

18. Karim Benzema – 29 koob

17. Pedro – 29 koob

16. Darijo Srna – 29 koob

15. Emad Meteb – 30 koob

14. Thiago Silva – 30 koob

13. Thiago Alcantara – 31 koob

12. Wael Gomaa – 31 koob

11. Xavi – 32 koob

10. Zlatan Ibrahimovic – 33 koob

9. Sergio Busquets – 33 koob

8. Cristiano Ronaldo – 33 koob

7. Arjen Robben – 34 koob

6. Hossam Ashour – 34 koob

5. Gerard Pique – 36 koob

4. Maxwell – 37 koob

3. Lionel Messi – 37 koob

2. Andres Iniesta – 39 koob

1. Dani Alves – 41 koob

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.