XOG: 50ka Kooxood Ee Iskugu Neceb Dunida, Kulamada Uu Dhiiggu Ku Daato Iyo Xog Laga Sameeyey Dunida Oo Dhan

Waxa lasoo saaray naadiyada dunida iskugu neceb ee isku waddanka ah, kuwaas oo kulamadooda ay hadheeyaan rabshadaha taageereyaasha, dhiig badanna ku daato marar badan.

Labada kooxood ee reer Argentine ee Boca Juniors iyo River Plate oo ka wada dhisan magaalada  Buenos Aires ayaa kaalinta koowaad ka galay naadiyada iskugu neceb dunida, waxaana laba sannadood ka hor finalka Copa Libertadores oo ay iskugu yimaaddeen uu madax xanuun ku riday dunida oo dhan iyadoo saddex jeer dib loo dhigay, isla markaana ciyaartoyda iyo taageereyaashaba dhaawacyo kasoo gaadheen.

Waddanka Argentine ayaa ugu dambayntii martigelin kari waayey ciyaartan, waxaana loo qaaday waddanka Spain, gaar ahaan garoonka Estadio Santiago Bernabeu ee Real Madrid, halkaas oo ay taageereyaasha labada  kooxood mar kale kala xidheen dariiqyada magaalada Madrid.

Derbies

Magazine-ka ciyaaraha ee FourFourTwo ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa soo bandhigay 50 naadi ee iskugu neceb, waxaana kaalinta labaad soo gashay ciyaarta El Clasico ee Real Madrid iyo Barcelona oo xafiiltankoodu uu dunida oo dhan saameeyo marka ay ciyaarayaan.

Kaalinta saddexaad ayay soo galeen ciyaarta dhibaatada badan ee ‘Old Firm’ ee kooxaha reer Scoland ee Celtic iyo Rangers, halka Nacional iyo Penarol oo reer Uruguay ah afraad soo galeen.

Halkan ka akhriso 50ka kooxood ee isku waddanka ah ee iskugu neceb:

50. Sheffield United vs Sheffield Wednesday (England)

49. Blooming vs Oriente Petrolero (Bolivia)

48. Portland Timbers vs Seattle Sounders (USA)

47. Lyon vs St-Etienne (France)

46. Newell’s Old Boys vs Rosario Central (Argentina)

45. Athletic Bilbao vs Real Sociedad (Spain)

44. Everton vs Santiago Wanderers (Chile)

43. FC Seoul vs Suwon Bluewings (South Korea)

42. Bahia vs Vitoria (Brazil)

41. Dynamo Moscow vs Spartak Moscow

40. America vs Deportivo Cali (Colombia)

39. Hamburg vs St. Pauli (Germany)

38. Alianza Lima vs Universitario (Peru)

37. CSKA Sofia vs Levski Sofia (Bulgaria)

36. Cerro Porteno vs Olimpia (Paraguay)

35. Glentoran vs Linfield (Northern Ireland)

34. Barcelona vs Emelec (Ecuador)

33. Esteghlal vs Persepolis (Iran)

32. Dinamo Bucharest vs FCSB (Romania)

31. Kaizer Chiefs vs Orlando Pirates (South Africa)

30. Genoa vs Sampdoria (Italy)

29. Colo-Colo vs Universidad de Chile (Chile)

28. Benfica vs Sporting (Portugal)

27. Hajduk Split vs Dinamo Zagreb (Croatia)

26. Raja vs Wydad (Morocco)

25. Real Betis vs Sevilla (Spain)

24. Newcastle United vs Sunderland (England)

23. Corinthians vs Palmeiras (Brazil)

22. Partizan Belgrade vs Red Star Belgrade (Serbia)

21. East Bengal vs Mohun Bagan (India)

20. Arsenal vs Tottenham Hotspur (England)

19. Olympiakos vs Panathinaikos (Greece)

18. Flamengo vs Fluminense (Brazil)

17. FK Velez vs HSK Zrinjski (Bosnia and Herzegovina)

16. Ajax vs Feyenoord (Holland)

15. Independiente vs Racing Club (Argentina)

14. Portsmouth vs Southampton (England)

13.AC Mila n vs Inter Milan (Italy)

12. Chivas Guadalajara vs Club America (Mexico)

11. Marseille vs Paris Saint-Germain

10. Al Ahly vs Zamalek (Egypt)

9. Borussia Dortmund vs Schalke (Germany)

8. Gremio vs Internacional (Brazil)

7. Liverpool vs Manchester United (England)

6. Fenerbahce vs Galatasaray (Turkey)

5. Lazio vs Roma (Italy)

4. Nacional vs Penarol (Uruguay)

3. Celtic vs Rangers (Scotland)

2. Barcelona vs Real Madrid (Spain)

1. Boca Juniors vs River Plate (Argentina)

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.