XOG: 15ka Kooxood Ee Ugu Guulaha Badan Dunida, Naadiyo Aanad Rumaysan Karin Oo Safka Hore Fadhiya Iyo Quwadihii Yurub Ee Real & Barca Oo SADDEXDA Boos Ee Hore Waayey

Kooxaha waaweyn ee qaaradda Yurub ayaa laga waayey safka hore ee liiska naadiyada ugu guulaha badan dunida, waxaana saddexda kaalmood ee ugu horreeya cidhiidhsaday kooxo laga yaabo in aanad rumaysan karin.

Quwadaha la yaqaano ee caanka ah, Real Madrid ayaa noqotay kooxda ugu guulaha badan, waxaana ku xigta oo ay wax yar ka horreeyaan Barcelona oo xafiiltan weyni ka dhexeeyo, isla markaana 15kii sannadood ee ugu dambeeyey koobab tiro badan oo ay ku guuleysanaysay ugu soo dhowaatay Los Blancos.

Real Madrid ayaa intii ay jirtay waxay ku guuleysatay 90 koob, halka Barcelona ay 89 koob soo qaadday. Laakiin waxa kayaab leh in kooxda weyn ee kusoo xigta ay kaalinta tobnaad fadhido, waana Bayern Munich.

Naadiyada Ingiriiska ayay kooxda ugu koobabka badan ku jirtaa kaalinta 12aad, waana Manchester United oo 66 koob ku guuleysatay, halka Liverpool oo ah kooxda labaad ee Ingiriis ah ee ku jirta liiska 15ka kooxood ee ugu guulaha badan ay fadhida kaalinta 15aad.

Labada kooxood ee  horyaalka waddanka Scotland dagaalka adag ku dhex-maro ee Rangers iyo Celtic ayaa hoggaaminaya naadiyada dunida ugu guulaha badan waxaana horreysa Rangers oo beryaha qaarkood ahaan jirtay mid aan lagaga daba hadal waddankaas.

Rangers waxay qaadday 115 koob oo 55 ka mid ah ay yihiin horyaalka dalkaas, waxaanay shan koob oo kaliya ka horreysaa Celtic oo sannadihii ugu dambeeyey guulo waaweyn gaadhaysay, isla markaana la filayo in labada sannadood ee soo socda ay kaalinta koowaad ee liiska kooxaha ugu guulaha badan kala baxdo Rangers.

Kooxda reer Masar ee Al-Ahlay ayaa ah kooxda saddexaad ee dunida ugu guulaha badan waxaanay qaadday 107 koob oo ay 41 ka mid ahi yihiin horyaalka.

Wargeyska Daily Star oo daabacay liiska 15ka kooxood ee dunida ugu guulaha badan ayaa waxay kala yihiin sidan:

15. Liverpool, England (63)

14. Anderlecht, Belgium (64)

13. Ajax, Netherlands (64)

12. Manchester United, England (66)

11. Juventus, Italy (67)

10. Bayern Munich, Germany (74)

9. Olympiacos, Greece (76)

8. Porto, Portugal (78)

7. Al-Faisaly, Jordan (80)

6. Benfica, Portugal (83)

5. Barcelona, Spain (89)

4. Real Madrid, Spain (90)

3. Al-Ahly, Egypt (107)

2. Celtic, Scotland (110)

1. Rangers, Scotland (115)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.