XOG: 10kii Dhexda Ee Ugu Wanaagsanaa, 10kii Weerar Ee Ugu Fiicnaa & 10kii Dhaliye Ee Ugu Khatarsanaa Ee La Iibsaday Qarniga 21aad

Qarniga 21aad oo kasoo bilaabmay sannadkii 2000, waxa suuqa iibka ciyaartoyda kasoo dhacay saxeexyadii ugu waaweynaa, iyadoo lacagta ay kooxuhu ay kharash gareeyeen ay ka badan tahay intii 100kii sannadood ee ka horreeyey ciyaartoyda lagu kala iibsaday.

Ciyaaryahannada ugu qaalisanaa waxay intooda badan ahaayeen kuwa ka ciyaara weerarka, laakiin Zinedine Zidane oo khadka dhexe ahaa ayaa sannadkii 2001 waxa uu dunida u xidhay rikoodh dhinaca lacagta ah markii ay Real Madrid dul-dhigtay malaayiin €77.5 milyan oo Gini oo ay kagala soo wareegtay Juventus, laakiin kumay khasaarin, waxaana shantii sannadood ee uu u ciyaaray uu u qaaday koobab uu ku jiro Champions League.

Laacibka dunida sicir-bararka ku riday ee marka kaliya laba jibbaarka ka dhigay qiimaha ciyaartoyda lagu iibsado, waxa uu noqday Neymar oo sannadkii 2017 ay PSG kula dul-kuftay lacag €222 milyan oo Euro ahayd oo illaa hadda aanay jirin cid usoo dhowaatay.

Shabakadda qiimaynta iyo xogta ee Transfermarkt ayaa waxay soo saartay 10kii dhexda weerarka xigta ee ugu wanaagsanaa taariikhda ee la kala iibsado, tobankii weeraryahan ee ugu fiicnaa ee la iibsaday iyo tobankii gool-dhaliye ee cajiibka ahaa ee kooxaha kale uga  wareegay naadiyadii ay kusoo baxeen.

Tobanka dhexda weerarka xigta, waxa kaalinta ugu dambaysa ka galay halyeygii xulka qaranka Nigeria ee Jay-Jay Okocha oo sannadkii 2002 ay kooxda Bolton ee waddanka Ingiriisku heshiis bilaash ah kagala soo wareegtay PSG, isla markaana xirfadihii iyo wacdarihii uu ka dhigay garoomada illaa hadda lagu soo daro muuqaallada googooska ah ee xasuusta galay.

Frank Lampard oo ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Chelsea ayaa hoggaaminaya 10ka dhexda weerarka, waxaana sannadkii 2001 ay Blues kala soo wareegtay West Ham.  Zinedine Zidane ayaa ku xiga oo sannadkii 2001 ay Real Madrid lacag wareer ah kaga soo qaadatay Juventus, muddadii uu Bernabeu joogayna ku guuleystay lix koob.

Waa Kuwan 10ka khadka dhexe ee ugu fiicnaa abid ee la kala iibsaday

10. JAY-JAY OKOCHA
PSG => Bolton, 2002

Lagu iibiyey: bilaash
Kulamada uu u saftay: 141 Koobabka uu la qaaday: 0

9. DELE ALLI
MK Dons => Tottenham, 2015
Lacagta: £5.9m
Kulamada uu u saftay:: 222 Koobabka uu la qaaday: 0

8. WESLEY SNEIJDER
Real Madrid => Inter Milan, 2009
Lagu iibiyey: €15m  Lagu sii gaday : €7.5m => Galatasaray
Kulamada uu u saftay: 116 Koobabka uu kula guuleystay: 6

7. PHILIPPE COUTINHO
Inter Milan => Liverpool, 2013
Lagu iibiyey: €13m  Lagu sii gaday : €145m => Barcelona
Kulamada uu u saftay: 201 Koobabka uu kula guuleystay: 0

6. PAUL POGBA
Man United => Juventus, 2012
Lagu iibiyey: €1m  Lagu sii gaday : €105m
Kulamada uu u saftay: 178 Koobabka uu kula guuleystay: 8

5. KAKA
Sao Paulo => Milan, 2003
Lagu iibiyey: €8.5m  Lagu sii gaday : €67m
Kulamada uu u saftay: 307 Koobabka uu kula guuleystay: 5

4. KEVIN DE BRUYNE
Wolfsburg => Man City, 2015
Lagu iibiyey: €76m  Lagu sii gaday : N/A
Kulamada uu u saftay: 222 Koobabka uu kula guuleystay: 8

3. LUKA MODRIC
Tottenham => Real Madrid, 2012
Lagu iibiyey: €35m  Lagu sii gaday : N/A
Kulamada uu u saftay: 343 Koobabka uu kula guuleystay: 17

2. ZINEDINE ZIDANE
Juventus => Real Madrid, 2001
Lagu iibiyey: €77.5m*  Lagu sii gaday : N/A
Kulamada uu u saftay: 227 Koobabka uu kula guuleystay: 6

1.FRANK LAMPARD
West Ham => Chelsea, 2001
Lagu iibiyey: £14.4m  Lagu sii gaday : Bilaash => Man City
Kulamada uu u saftay: 648 Koobabka uu kula guuleystay: 13

RIIX 2 & 3 si aad u wada akhrisato

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.