Xiddigii Garoonka, LABADII Ugu Liitay Iyo SAGAALKII Aan Waxba Dhaamin Feedaxadda U Keenay Man City & Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Tottenham Ku Garaacday City

Tottenham ayaa hoggaanka horyaalka Premier League la wareegtay, waxaanay kaliya ku lumin kartaa Leicester City oo maalinta Axadda kasoo adkaata Liverpool, haddii kalena Jose Mourinho iyo kooxdiisu waxay kusii negaan doonaan miiska talada.

Spurs ayaa 2-0 ku garaacday Manchester City oo ay garoonkeeda Tottenham Hotspur Stadium ku qaabishay, waxaanay guushan heleen iyagoo kaliya 33 boqolkiiba gacanta ku haya maamulka ciyaarta, sidoo kalena 23 jeer oo kaliya goolka City toogatay.

Tottenham ayay ku qaadatay shan daqiiqadood oo kaliya inay soo taabato shabaqa Manchester City, waxaana gool uu kasoo shaqeeyey Ndombele oo baas kasoo dhex saaray difaaca City gool u beddelay Son oo kubbad dhulka socota hoos mariyey goolhaye Ederson.

Daqiiqaddii 65aad ayay Tottenham si buuxda u xaqiijisatay guusha kulankan, waxaana gool labaad u dhaliyey Lo Celso oo beddel kusoo galay, isla markaana taabashadiisii ugu horreysay gool u beddelay.

Laacibiintii bahdilku ku dhacay

Goolhaye Ederson iyo Riyad Mahrez ayaa ahaa labada ciyaartoy ee sida hawlgabka oo kale garoonka u dhex joogay, waxaana taas daliil u ah qiimayntii ay ciyaarta ka heleen oo ahayd middii ugu liidatay.

Labadan ciyaartoy ayaa helay darajada 4 ee qiimayntii kulanka. Laakiin sagaalkii ciyaartoy ee kale ee Manchester City ugu soo bilowday ciyaarta ayaa iyaguna aan waxba dhaamin, waxaanay helaan min 5, taas oo ka dhigan in kooxda ahayd mid liidata oo aan kulankaba diyaar u ahay.

Xiddigii garoonka

Weeraryahanka Harry Kane ayaa farsameeyey goolka labaad ee kooxdiisa, sidoo kalena wuxuu ahaa khatarta ugu weyn ee ay difaaca City u taag waayeen qabashadiisa.

Kane ayaa noqday xiddigii garoonka, waxaanu helay darajada ugu sarraysay qiimaynta kulanka oo ahayd 9.

Ciyaartoyda Tottenham ayaa dhamaantood wanaagsanaa, waxaana midkooda ugu liitay uu ahaa kan helay darajada 7, taas oo muujinaysa inay bandhig fiican muujiyeen.

Qiimayntii guud ee ciyaarta

Tottenham: Lloris (7), Aurier (7), Alderweireld (7), Dier (8), Reguilon (7), Sissoko (7), Hojbjerg (8), Bergwijn (7), Ndombele (8), Son (7), Kane (9)

Beddelka: Lo Celso (8), Lucas Moura (6), Rodon (NA)

Man City: Ederson (4), Walker (5), Dias (5), Laporte (5), Cancelo (5), Rodri (5), Bernardo (5), Torres (5), De Bruyne (5), Mahrez (4), Jesus (5)

Beddelka: Sterling (5), Foden (5)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.