Xiddigihii Ugu Safashada Badnaa Horyaalka Premier League Xili Ciyaareedkan Oo Lasoo Saaray

Xili ciyaareedka 2019/20 ee  Premier League wuxuu bilaabmay 12 bilood ka hor, waana midka socday waqtigii ugu dheeraa maadaama ay ku dhowaad saddex bilood oo ahaa intii u dhaxaysay April illaa badhtamihii June ay ciyaaruhu u taagnaayeen fayraska Koron.

40 oo kaliya oo uu socday ayaa lagu soo afjaray kulamo tiradoodu ahayd 92 ciyaarood si loo dadajiyo dhamaystirka horyaalka oo dib loo bilaabay June 17, waxaana ugu dambayntii ay ciyaartoydu fasax galeen markii ay soo dhamaadeen kulamadoodii shalay oo horyaalka lasoo gunaanaday.

Kulamada horyaalka ee 38ka ahaa, waxa jiray ciyaartooyo inta  badan soo taagnaa garoonka oo saftay dhamaan ciyaarihii horyaalka Premier League ee fasal ciyaareedkan.

15 laacib ayaa diiwaangashaday adkaysi, caafimaad qab iyo ciyaar wanaag ka ilaalisay inay kaadhadh digniin ah ku seegaan kulamadii xili ciyaareedka, waxaanay awood u yeesheen inay garoomada soo dhex-taagnaadaan dhamaan 3,420kii daqiiqadood ee ay ka koobnaayeen 38ka ciyaarood.

Difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ugu horreeya laacibiintan, waxaana soo taagnaa kulamadii kooxdiisa ee xili ciyaareedkan oo dhan, isaga oo dheelay dhamaan 3,420 daqiiqadood, kuwaas oo laga dhaliyey 33 gool, halka uu isaguna shaqsiyan saxeexay shan gool.

Rukunka adag ee Manchester United ee Harry Maguire ayaa isaguna la mid ahaa Van Dijk, waxaanu saftay dhamaan kulamadii horyaalka ee kooxdiisa inkasta oo uu ka maqnaa ciyaaro ka tirsanaa FA Cup.

Ciyaartoydan ayaa inta badan ah goolhayeyaal, waxaana kusoo xiga difaac, halka khadka dhexe ay yihiin tirada soo raacday, maadaama weerarku ay inta badan yihiin kuwa daalka ugu badan iyo dhaawacyadu soo gaadhaan.

Halkan kaga bogo 15ka ciyaartoy ee saftay dhamaan 3.420kii daqiiqadood ee xili ciyaareedka shalay dhamaaday:

Virgil van Dijk | Liverpool

Harry Maguire | Manchester United

Declan Rice | West Ham

James Tarkowski | Burnley

James Ward-Prowse | Southampton

Conor Coady | Wolves

George Baldock | Sheffield United

David de Gea | Manchester United

Jordan Pickford | Everton

Rui Patricio | Wolves

Kasper Schmeichel | Leicester

Nick Pope | Burnley

Mathew Ryan | Brighton

Martin Dubravka | Newcastle

Ben Foster | Watford

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.