Xiddiga Muslimka Ah Ee Mestu Ozil Oo Laga Saarayo Liiska Xiddigaha Arsenal Ee Europa League – Miyaa Loo Sheegay In Ay Uga Dhamaatay Emirates?

Fursadaha ciyaareed ee Mesut Ozil uu ka heli karayo Arsenal ayay rajadoodu sii yaraanaysaa, waxaana laacibkan uu hadda waajahayaa xaalad iyadoo laga reebayo liiska ciyaartoyda Gunners uga qayb-geli doona tartanka Europa Leauge ee xili ciyaareedkan, taas oo ka dhigan in aanu xataa hal kulan oo tartamada Yurub ah dheeli doonin.

Tababare Mikel Arteta ayaa la sheegay inuu go’aansaday in Ozil aanu ku darin liiska uu u gudbinayo UEFA ee u ciyaari doona Arsenal tartanka Europa League.

Ozil oo ay da’diisu tahay 31 jir, waxa uu qabsaday boggaga hore ee warbaahinta markii uu toddobaadkan ku yaboohay mushaharka Gunnersaurus oo ah aktarka Jerry Quy oo soo xidha boombalo weyn oo dharka Arsenal ka samaysan oo kulan walba garoonka yimaadda, kaas oo kooxdu ay ka joojisay mushaharkii ay siin jirtay kaddib muddo soddon sannadood  ku dhow oo uu ku lacag qaadan jiray boombaladiisa.

Mesut Ozil ayaa la sheegay inuu ku wehelin doono liiska maqnaanshaha ee tartamada Yurub aan kasoo muuqan doonin, laacibka difaaca ee Sokratis.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa shaacisay in Ozil iyo Sokratis labadoodaba laga reebay liiska Arsenal ee UEFA loo gudbinayo, taas oo faahfaahin buuxdana la filayo in laga helo maalmaha soo socda.”

Xiddiga Muslimka ah ee Musut Ozil oo bilihii ugu dambeeyey aan xataa lagu soo darin liiska ciyaartoyda Arsenal ee xataa kaydka u fadhiya ciyaaraha kooxdu dheelayso, ayaa waxa uu ku jiraa sannadkii ugu dambeeyey heshiiskiisa Arsenal, waxaana uu go’aansaday inuu sii joogo illaa maalinta ugu dambaysa.

Xiddigan oo ah kan ugu mushaharka badan Arsenal oo toddobaadkii u xaadira lacag dhan 350,000 Gini ayaa la sheegay in sidoo kale laga yaabo in laga saaro liiska ciyaartoyda rasmiga ah ee Arsenal ee horyaalka Premier League u safan doona kooxda.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.