Xiddig Ka Tirsan Real Madrid Oo Maanta Tijaabada Caafimaadka U Maraya Koox Kale

Kooxda kubadda cagta Roma ayaa qarka u saran dhamaystirka heshiis ay Real Madrid kagala soo wareegayso weeraryahanka reer Spain ee Borja Mayoral oo ay ku qaadanayso heshiis amaah ah.

23 jirkan ayaa Real Madrid usii saxeexay heshiis cusub oo saddex sannadood ah oo ay mulkiyaddiisa ku yeelanayso Los Blancos ka hor intii aan loo ogolaanin inuu u safro waddanka Talyaaniga oo uu laba sannadood oo heshiis amaah ah u saxeexayo.

Roma ayaa haysata qodob loogu daray heshiiska amaahda ah oo dhigaya in 15 milyan oo Euro ay heshiis rasmi ah ku qaadan karayso inta aanay dhamaanin waqtiga ay amaahda ku haysato.

Heshiisku kuma qasbayo kooxda Talyaaniga ah inay si rasmi ah ula wareegaan Mayoral, laakiin waxay dib iskaga soo celin haddii aanay ku qancin bandhiggiisa.

Laacibkan oo kusoo laabtay Real Madrid kadib sannado oo uu amaah ugu maqnaa kooxo kale oo horyaalka LaLiga ah ayaa waxa uu raacayaa raadka laacibiin tiro badan oo Real Madrid ka tegay xilli ciyaareedkan.

Achraf Hakimi, Sergio Reguilon, Oscar Rodriguez, Javi Sanchez iyo James Rodriguez ayay Real Madrid iibisay intii uu furnaa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Waxa kale oo ay amaah ku bixiyeen xiddigaha Gareth Bale, Tafefusa Kubo, Reinier Jesus, Dani Ceballos, Brahim Diaz iyo kuwo kale, waxaana uu Mayoral ku biirayaa liiska laacibiintan dambe, inkasta oo haddii ay Roma ku qanacdo bandhiggiisa uu ciyaartoyda hore

Wakiilka Mayoral ayaa Khamiistii ay Roma isla ogolaadeen heshiiska shaqsiga ah, waxaana uu laacibkani u duulay maanta oo Jimce ah waddanka Talyaaniga oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono Roma ka  hor inta aanu qalinka ku duugin heshiiska uu kaga ciyaari doono Stadio Olimpico.

Los Blancos ayaa sidoo kale la sheegayaa inay Manchester United amaah ku siinayso weeraryahanka Luka Jovic, inkasta oo bixitaanka Mayoral uu isbeddel ku keeni karayo oo laga yaabo inuu kusii negaado Santiago Bernabeu.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.