XASAASI: Haddii Sergio Aguero Lagu Ganaaxayo Inuu Taabtay Jidhka Gabadhii Garsooraha Ka Ahayd Kulankii Arsenal Oo La Ogaaday

Waxa aad loo hadal hayaa dhacdo xalay dhex martay weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero iyo waliba gabadhii calan-wadaha ka ahayd kulankaas ee Sian Massey-Ellis intii uu socday kulankii ay guusha 1-0 ka ah ka gaadheen Arsenal.

City ayaa kusoo laabatay wadada guulaha kaddib markii ay labadii kulan ee hore guuldarro iyo bar-bardhac kala soo kulmeen kooxaha Leicester City iyo Leeds United iyagoo Gunners kaga guuleystay gool uu Raheem Sterling dhaliyay.

Dhacdada ugu hadal haynta badan kulankaas ayaa ahayd midii uu Aguero oo kubad gees u baxday (Throw) kula murmaya Sian Massey-Ellis uu garabkeeda taabtay.

Dhacdadaas ayaa noqotay mid hadal hayn aad u badan dhalisay iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu dhaliyaha ree Argentina ganaax ku mudan karo midaas.

Haddaba, wargeyska Guardian oo hadda warbixin kasoo saaray xaalada Aguero iyo haddiiba taabashadiisa Sian Massey-Ellis uu ganaax ku mudan karo ayaa sheegay inuusan 32 sano jirkaasi wax ganaax ah kula kulmi doonin midaas.

Tababare Pep Guardiola oo kulanka kaddib wax laga weydiiyay dhacdadaas ayaa saxaafada weydiistay inaysan dhibaato ka dhex raadin wixii dhacay isla markaana uu Sergio yahay mid kamida dadka ugu fiican ee uu noloshiisa la kulmay.

“Sergio waa qofka ugu wanaagsan ee aan noloshayda la kulmay, eega dhibaatooyinka xaaladaha kale maaha dhacdadan” ayuu kulanka kaddib yidhi tababarihii hore ee Bayern Munich.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.