XASAASI: Daafaca Ay Ku Tartamayeen Real Madrid, PSG & Liverpool Ee Kalidou Koulibaly Oo Warkii Ugu Weynaa Mustaqbalkiisa Ka Sheegay

Daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly oo ay saxeexiisa ku loolamayeen kooxo badan oo laga xusi karo Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Liverpool ayaa ugu dambayn ka hadlay wax ku saabsan mustaqbalkiisa.

Koulibaly ayaa tan iyo sanadkii 2014 usoo ciyaarayay Napoli kaddib markii uu kaga soo biiray dhinaca kooxda ree Belgium ee Genk.

Kalidou oo mustaqbalkiisa wax ku saabsan ka hadlaya ayaa si cad u sheegay inuu waayihiisa ciyaareed oo dhan ku dhammaysan karo kooxdiisa Napoli taas oo dhirbaaxo ku ah dhammaan kooxaha damacu kaga jiran inay la saxeexdaan.

Inuu 29 sano jir noqday dhawaan ayaa ka dhigan inuusan qiimihiisa suuqa kala iibsigu sii kordhi doonin waxaana uu aqbalay xaqiiqada ah in mustaqbalkiisu uu ku jiro gacmaha kooxdiisa Napoli iyo madaxweyne Aurelio de Laurentiis.

Kalidou Koulibaly ayaa hadalkiisa ku xusay in waxa ugu weyn ee ku qasbi kara inuu mudo dheer joogi Napoli ay tahay farxada ay qoyskiisu ku haystaan halkaas.

Koulibaly ayaa ugu horreynba yidhi “Qoyskaygu aad ayuu ugu wanaagsan yahay Naples anigana taasi waxay iga dhigtaa mid faraxsan, kaliya iyaga ayaa ku mahadsan inaan halkan joogay lix sano sababtoo ah haddii aysan faraxsanayn, xilli horeba waan tagi lahaa”

“Caruurtaydu waxay ku hadlaan Talyaani si lamid ah French, labada luqadoodba waanu ku hadalnaa markaanu guriga joogno, si nabdoon ayaanu halkan ugu noolnahay”

“Waxaan maqlaa inaan halkan ka tegi doono laakiin waan wanaagsanahay, anigu ma fahmayo sababta aynu uga hadlayno suuqa marka aysan jirin wax dhammaad ahi”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.