XAASIDNIMO: Xiddig Liverpool Ahaa Oo Qirtay Inuu Ulakac U Dhaawacayay Midkale Oo Isla Kooxda Ah & Waxa Uu Ku Haystay

Da’yarkii hore ee akaademiga kooxda Liverpool ee Tom Brewitt ayaa shaaca ka qaaday sheeko lama filaan ah oo la xidhiidha inuu doonayay inuu ogaan u dhaawaco Daniel Cleary oo ay ka wada tirsanaayeen akaademiga kooxda.

Brewitt oo u ciyaaray kooxda Marecambe xilli ciyaareedkii hore kahor intii aan xagaagii lasii daynin ayaa sheegay inay ka go’nayd inuu u ciyaaro kooxda waaweyn ee Liverpool isla markaana uu fursadaas arkay markii ay kooxdu dhibaatooyin dhaawac gashay xilli ciyaareedkii 2015-16.

Liverpool ayuu wakhtigaas kusoo socday kulan FA Cup ahi iyadoo uu tababare Jurgen Klopp xulasho samaynayay, Tom Brewitt ayaa sheegay inuu aaminsanaa inay wakhtigiisii ahayd.

Si kastaba, si uu booskiisa ugu guuleysto Tom ayaa tartan kala kulmayay Daniel Cleary oo ay kawada tirsanaayeen akaademiga waxaana uu go’aansaday inuu dhaawac gaadhsiiyo si uu isaga u noqdo midka la xulanayaa.

Brewitt oo sheekadaas ka warramay haatan ayaa yidhi “Waxkasta oo ay qaadanayso si aan u sameeyaa waan samaynayay”

“Haddii ay taasi la micno ahayd inaan qof dhaawaco amaba aan bur-buriyo xidhiidh aan lahaa waan samaynayay, waxaan kaliya ahaa mid ay ka go’antahay inaan u ciyaaro Liverpool taasina waxa ay ahayd dhammaan waxa aan doonayay”

“Aniga iyo Dan waxaanu markasta ahayn kuwo isku wanaagsan laakiin waxaan filayaa inaan anigu soo af-meeray xidhiidhkaas, go’aanka ayaan gaadhay, ama aniga ama isaga ayay ahayd sidaas darteed isaga ayaan raacday tababarka”

“Isaga ayaan ku xigan kulamada waanan laagay, iskumaan dayayn inaan isaga si xun u dhaawaco balse waxaan isku dayay inaan in ku filan dhaawaco sidaas darteed wuu maqnaanayay aniga ayaana ciyaarayay”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.