XAAL ADDUUN: Xaaskii Riyad Mahrez Oo Jacayl Waalli Ah U Qaaday Anthony Joshua, Carruurtii Oo Ay Guri Cidlo Ah Ula Guurtay & Waallida Laga Soo Warinayo

Waayaha adduunka ayaa sidaa iska ah, waxayna saygeedii ku duursatay nin kale oo aan qabin oo ay dariiqyada la wareegto, laakiin jacaylka laga soo warinayo waa mid xadhkaha goostay oo kalideed ku kooban, isla markaana qofka ay u waalanayso aanu wali sideeda oo kale kalgacal ugu qaadin.

Rita waa xaaskii xiddiga xulka qaranka Algeria iyo kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez, waana 26 jir laba carruur ah u dhashay laacibkan, laakiin waxay xidhiidh jacayl la samaysay feedhyahanka reer England ee Anthony Joshua oo tiraba dhawr jeer ay isku raaceen suuqyada oo ay kasoo wada casheeyeen.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Joshua waxa uu Mahrez kala baxay xaaskiisii, waxaana toddobaadyadii ugu dambeeyey tiraba dhawr jeer ay kasoo wada casheeyeen hotel, iyagoo wada tegay goob lagu cabbo shiishadda oo ku taalla magaalada London inkasta oo aan la sheegin haddii ay labadooduba cabbayeen iyo in midkood cabayay shiishadda.

Rita iyo Joshua ayaa ballantoodu bilaabantay bishii December ee dhamaadka sannadkii hore markaas oo feedhyahanku uu casuumay, laakiin markii uu ogaaday inay tahay xaaska Riyad Mahrez ayuu dib uga istaagay, isagoo joojiyey inuu sii wado xidhiidhka.

Mar kale ayay dib u bilaabeen xidhiidhkooda toddobaadyadii ugu dambeeyey oo laba jeer la arkay iyagoo ku sugan The Hart Lounge Shisha bar oo ku yaalla woqooyiga magaalada London.

Habeen hore ayaa kulankoodii ugu dammbeeyey uu dhacay, waxaana qof ka mid ah saaxiibbada Joshua uu wargeyska The Sun u sheegay jacaylka waallida ah ee Rita ay u qabto AJ oo isaguna xoogaa shaki ah ka qaba gabadhan ninkeeda hore ka timid.

“Rita wahy ka heshay AJ. Waxay u malaynaysaa inay lammaane noqon doonaan. Waxay la leedahay xidhiidh dhow saaxiibadiisa ku xeersan, waxayna jeceshahay inay bannaanada u wada baxeen. Marka bannaanka loo baxo, kaliya indhaha AJ ayay fiirinaysaa. Dadka waxay uga sheekaysaa isaga oo kaliya, xataa iyada oo gacanta haysata.” Sidaa waxa The Sun u sheegay qof ka mid ah asxaabta Joshua ee la yaabtay jacaylkan.

Qof kale ayaa wargeyska u sheegay in Joshua uu ka baqayo in Rita ay doonayso inay agtiisa caan ku noqoto maadaama ay mar walba jeceshahay inay dibedda u baxaan oo ay soo wada casheeyaan, si ay ugu guuleysato in xirfaddeeda muusiga ay suuq ugu hesho.

Rita ayaa hadda ku nool guri weyn oo qiimihiisu yahay £2 milyan oo Gini oo ku yaalla Buckinghamshire, kaas oo ay kula nool yihiin labadeeda carruurta ah tan iyo markii ay kala tageen Riyad Mahrez oo carruurtan ka dhalay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

8 Comments

  1. Wx aan akhriyy wanbaa karan wayy waad i wareerisey marbaa mowjad cusub ayaad ka hdshy sxpoow Afsomaliga markaa aad soo qortt ka dib iskaa akhri dd ayaa gadashada akhrisanayeee

Leave a Reply

Your email address will not be published.