Wuxuu Qarka U Saaran Yahay Inuu Ku Biiro Manchester City Laakiin Carruurnimadiisii Waxa Uu Taageere U Ahaa Halyeey Man United Ah!!

Da’yarka kooxda Valencia ee Ferran Torres ayaa u muuqda mid leh tixraac hore oo ka duwan talaabada uu qaadayo mustaqbalkiisa dhaw kaddib markii la ogaaday inuu taageere u ahaa caruurnimadiisii Cristiano Ronaldo oo wakhtigaas Man United u ciyaarayay.

20 sano jirkan ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Manchester City oo uu ugu wareegayo heshiis 27 Milyan oo Pound oo lagu daray gunnooyin shuruudo kala duwan ku xidhan.

City ayaa u bar-tilmaameedsatay Torres bedelka Leroy Sane ahaan waxaana la fahamsan yahay inay heshiiska shaqsiga ah la meel dhigeen da’yarkan ka tirsan xulka qaranka Spain ee 21 sano jirka ka yar.

Ferran Torres ayaa sheegay in David Silva iyo David Villa oo ahaa xiddigihii horumarka badan gaadhsiiyay kooxdiisa Valencia ay ahaayeen kuwo uu daawan jiray balse uu doonayo inuu maro wadada Cristiano Ronaldo oo usoo ciyaaray kooxda uu ku biirayo cawadgeeda Man United.

Ferran oo u warramayay BBC Sport ayaa yidhi “Marka laga eego da’ yaraantaydii waxaan lahaa laba tixraac oo muhiim ah, mid ayaa markii aan aadka u yaraa yimid Valencia kaasina waxa uu ahaa David Villa, Villa iyo David Silva labada ciyaaryahan ee heer sidaas u sarreeya gaadhsiiyay Valencia”

“Laakiin aniga ahaan Cristiano Ronaldo ayaa intaas oo dhan ka sarreeya ahna tixraac weyn mana aha kaliya qaabka uu u ciyaaro kubadda cagta balse sidoo kale qaabka uu naftiisa uga kaxeeyo kubadda cagta, way u qalantaa in lala dhaco waxaanan jeclaan lahaa inaan raadkiisa raaco”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.