“Wuu I Caayay” – Koeman Oo Tilmaamay Xiddigii Af-Xumada U Geystay Kulankii Ay Kooxdiisa Barcelona Fashilka Lasoo Kulantay

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ka hadlay qaabkii xumaa ee uu kulanka dhexdiisa ula dhaqmay daafaca kooxda Getafe ee Allan Nyom oo ay xalay kulan ka tirsan horyaalka La Liga iskaga hor yimaadeen.

Rigoore uu qaybtii labaad dhaliyay Jaime Mata ayaa xalay kala saaray Getafe iyo Barcelona xilli ay kooxda martida loo ahaa soo bandhigtay ciyaar adag oo awood jidh ahaaneed ku dhisan.

Image

Tababaraha Barcelona ayay kaameradu qabatay isaga oo si cadho leh ula hadlaya dhigiisa Getafe ee Jose Bordalas kaddib markii siidhigii ugu dambeeyay la yeedhiyay.

Koeman ayaa intaas kaddib sheegay in wixii ka wada hadleen tababare Bordalas uu ahaa hadal xun oo uu kala kulmay Allan Nyom oo uu sheegay inuu caayay walow uusan wixii uu ku yidhi saxaafada kahor sheegin.

Ronald Koeman oo arrintaas ka hadlayay ayaa yidhi “Waxaan isaga u sheegay in Nyom uu ixtiraam darro ii muujiyay, kuma celin doono wixii uu yidhi laakiin taasi waa wixii aan u sheegay Bordalas”

“Nyom aniga wuu i caayay, ixtiraam darro badan ayuu aniga ii muujiyay, anigu ma aqbali doono midaas, ma ogolaan karno inay taasi ka dhacdo ciyaaraha casriga ah, anigu kuma soo celin doono balse waxay ahayd cay aad u foolxun”

Daafacii hore ee kooxaha Watford iyo West Browmich Albion ayaa murano badan oo kulanka dhexdiisa ka dhacay ku lug-lahaa waxaana kamid ahayd inuu suxul wajiga kaga dhuftay Lionel Messi isla markaana qalad rigoore ay u doonaysay Barcelona uu ku galay Ansu Fati oo uu wajiga ka dhirbaaxay.

Image

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.