WEERAR: Andrea Pirlo Oo Qorshe Cajiib Ah U Haya Cristiano Ronaldo, Real Madrid Oo Uu Weerarayo & Xiddiga Uu Ka Caashaqay Los Blancos

Tababaraha cusub ee kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu gool dhaliyaha kooxdiisa ee Cristiano Ronaldo la mideeyo khadka dhexe ee Real Madrid ee Isco oo uu taageere weyn u yahay.

Halyeeyga ree Talyaani ayaa shaqada tababarenimo ee Juventus ka badalay Maurizio Sarri oo la caydhiyay kaddib markii ay Juve ka hadhay tartanka Champions League.

Pirlo plans to get best out of Cristiano Ronaldo at Juventus by ...

Mid kamida shaqooyinka uu doonayo inuu Pirlo qabto ayaa lagu sheegay inuu doonayo inuu gegida Allianz Stadium keeno Isco oo uu ka dhigtay bar-tilmaameedkiisa ugu sarreeya xagaagan.

Taas ayaa la micno ahaan doonta inuu Isco la midoobi doono Ronaldo oo ay kusoo wada ciyaareen Santiago Bernabeu isla markaana uu kamid ahaa xiddigihii uu CR7 wakhtiga qurxoon kula soo qaatay caasimada Spain.

Wargeyska Talyaaniga ah ee La Gazzetta dello Sport ayaa dib usoo daabacay hadal uu yidhi Pirlo sanad kahor oo ahaa “Si aad ugu guuleysato Champions League waxaad u baahan tahay ciyaaryahan sida Isco oo kale ah”

Dhinaca kale wargeyska SportMediaSet ayaa isaguna shaaca ka qaaday in Real Madrid qudheedu ay qorshe la rabto Juventus isla markaana ay doonayaan inay Isco amaba Toni Kroos mid ahaan kaga bedeshaan weeraryahanka ree Argentina ee Paulo Dybala.

Wararka ayaa sheegaya in Los Blancos ay diyaariyeen lacag 89.9 Milyan Pound ah oo lagu daray mid kamida Kroos iyo Isco si ay uga helaan Dybala.

Dybala ayaa u muuqday mid Man United amaba Tottenham ku biiraya xagaagii 2019 balse sii joogay Bianconeri isla markaana door weyn ka ciyaaray inay kusoo guuleysteen Serie A.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.