“Waxkasta Ayuu Sameeyay Si Uu Chelsea Uga Tago” – Ciyaaryahanka Blues Ka Tirsan Ee Wado Kasta U Maray Inuu Baxo Oo La Xusay

Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqada ah in xiddigiisa Antonio Rudiger uu isku dayay waxkasta oo uu samayn karayay si uu uga tago kooxda uu ka tirsan yahay ee Chelsea.

27 sano jirka daafaca dhexe ah ayaa hoos uga dhacay xulashada tababare Frank Lampard waxaana lala xidhiidhinayay kooxo kale kahor xidhitaankii suuqa Yurub ee Isniintii iyadoo ay Tottenham, AS Roma iyo AC Milan xiiso u muujiyeen.

Heshiis ayaan ugu dambayn qabsoomin iyadoo uu Rudiger ku nagaaday Stamford Bridge laakiin tababarihiisa xulka Germany ayaa si cad u sheegay inuu markale isku dayi doono inuu baxo gudaha suuqa bisha January.

Low oo ka sheekaynaya rabitaankii Antonio ayaa yidhi “Anigu waxaan xidhiidh joogto ah kula jiray Antonio Rudiger, waxa uu haystay saddex ama afar dookh bilawgii toddobaadka laakiin nasiib darro waxba ma aysan dhicin, markale ayuu suuqa qaboobaha isku dayi karaa”

“Isagu qaab ciyaareed wanaagsan ayuu soo bandhigi karaa xataa isaga oo aan toddobaaydo kulamo ciyaarin, waxaanu wada joognay dhawrkii sano ee ugu dambeeyay”

Macalinka Chelsea ee Frank Lampard ayaa suuqii xidhmay si weyn usoo xoojiyay safkiisa kooxdaas kaddib xilli ciyaareedkiisii koowaad isaga oo galiyay lacag 250 Milyan oo Pound ah lana soo saxeexday ilaa toddoba ciyaaryahan.

Rudiger ayaan wali xilli ciyaareedkan Chelsea kulan uga soo muuqan balse ku rajo weyn inuu wakhti ka heli doono Germany kulamada ay kahor tagayaan xulalka Turkey, Ukraine iyo Switzerland.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.