“Waxaan Doonayay Inuu Saxeexayga Koowaad Ee Man United Noqdo, Lacag Ka Badan Mida Real Madrid Ayaanu Bixinay Helicoptar-na Waan U Diyaarinay”

Tababarihii hore ee kooxda Manchester United haatana ah hoggaamiyaha West Ham United ee David Moyes ayaa ka sheekeeyay qaabkii uu u doonayay garabka weerar ee Tottenham ee Gareth Bale markii uu ka talinayay Old Trafford toddoba sano kahor.

Tan iyo wakhtigaas, Bale iyo Moyes ayaa laba wado oo kala duwan joogay balse berrito iska hor iman kara markale iyadoo ay Hammers iyo Spurs balansan yihiin isla markaana uu Bale wakhtigiisii labaad ee Tottenham qaadanayo.

Man Utd transfer revelation made by David Moyes… Gareth Bale had HELICOPTER booked | Football | Sport | Express.co.uk

Moyes oo haatan haysta West Ham United ayaa tababaraha halyeeyga ah ee Sir Alex Ferguson ka bedelay dhinaca Manchester United sanadkii 2013 balse kaliya toddoba bilood markii uu maamulayay shaqada laga caydhiyay.

Balse xaalada ayaa noqon karaysay mid sidaas uga duwan ninkan Scot-ka ah oo doonayay inuu keensado Bale oo ay Real wakhtigaas ka dhigtay ciyaaryahanka ugu qaalisan dunida.

Moyes ayaa sheegay inay lacag ka badan midii ay Los Blancos kula wareegeen ku doonayeen Gareth isla markaana ay xerada tababarka ugu diyaariyeen Helicopter isaga u shaqaysa oo soo qaada balse aysan sidaasi dhicin.

David oo sheekadaas ka warramaya ayaa yidhi “Waxaan doonayay inuu Gareth Bale noqdo saxeexayga koowaad ee Man United, balse waxa xilli horeba ku horreysay wax yar Real Madrid, waxaan isku dayay inaan af-duubto heshiiskaas, waxaan isku dayay inaan helo isaga”

“Manchester United waxay isaga u bandhigtay lacag ka badan mida Real Madrid, waxay u bandhigeen lacag ka badan ciyaaryahanka”

“Waxaanu samaynay waxkasta oo aanu isku dayi karaynay si aanu u helno ciyaaryahanka, xataa Helicopter ayaanu xarunta tababarka ku haysanay si ay isaga u qaado una soo celiso, waxaanu filaynay inaanu fursad haysano”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.