WARKII LA SUGAYAY: Wakiiladda Cristiano Ronaldo Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Juventus Ay CR7 U Bandhigtay Barcelona

Riyada ah in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay u wada ciyaaraan Barcelona waxay dhamaatay waqti hore, laakiin hadda ayay dib u bilaabantay iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Juventus ay raadinayso koox ka iibsata Ronaldo, iyadoo si gaar ah loo magacaabay Barcelona.

Khabiirka ciyaaraha Guillem Balague oo warkan bannaanka keenay ayaa waxa uu sheegay in Juventus ay dabada ka riixayso in Cristiano Ronaldo uu ka tago Turin, isla markaana ay u bandhigeen PSG iyo xataa Barcelona, waxaanu ku sababeeyey in kooxda Talyaanigu qorshaynayso in isbeddel ay ku samayso safkeeda kaddib fayraska Korona ee saamaynta ku yeeshay dhaqaalaha.

Guillem Balague oo ka hadlayay BBC Radio 5 Live, waxa uu yidhi: “Sababta Cristiano Ronaldo loola xidhiidhiyey PSG may ahayn in PSG ay aad ugu fikiraysay inay hesho isaga, laakiin waxay ahayd in Jorge Mendes (Wakiilka Ronaldo) loo sheegay inuu koox usoo raadiyo Ronaldo.

“Lixdii bilood ee ugu dambeeyey ayaynu arrintan arkaynay, mar waxa lala xidhiidhiyey Real Madrid. Waxayna u sheegeen in aanay wax fursad ah u haynin inuu kusoo laabto.

“Waxa kale oo jiray wada-hadallo dhex maray kooxo horyaalka Maraykanka ah, sababtoo ah Juventus waxay doonaysaa inay ka takhalusto mushaharkiisa badan.  Waxaba taas kasii daran, in xataa loo bandhigay cid kasta oo ay ku jirto Barcelona.”

Warkan oo soo baxay Khamiistii ayaa waxa ka jawaabay Wakiillada Cristiano Ronaldo oo beeniyey in xiddiga reer Portugal uu doonayo inuu ka tago Juventus.

Ronaldo oo heshiiska uu kula jiro Juventus uu soconayo illaa sannadka 2022, xili ciyaareedkiina xoogsada lacag dhan £31 milyan oo Gini, waxay wakiilladdiisa oo la hadlay wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ay sheegeen in gebi ahaanba warkani been yahay.

Inkasta oo aanu wakiilkiisa caanka ah ee Jorge Mendes oo la sheegay inuu dhowaan u tegay Paris si uu ugala soo hadlo heshiis uu laacibkani ugu wareego PSG, haddana waxa jiritaanka warkan waxba kama jiraan ka dhigay kooxda kale ee wakiil ahaanta kula shaqaysa laacibkan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.