Wargeyska Forbes Oo Shaaciyey 10ka Ciyaartoy Ee Ugu Lacagta Badan Kubadda Cagta – Midkee Sarreeya Messi & Ronaldo?

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa mar kale hoggaaminaya liiska 10ka ciyaartoy ee lacagta ugu badan soo gasho kubadda cagta, waxaanay labadan ciyaartoy yihiin kuwo ka goostay laacibiinta kusoo xigta oo ay tobannaan milyan oo Gini ka sarreeyaan.

Lionel Messi ayaa kaalinta koowaad soo galay, isla markaana meel iskaga xidhay Cristiano Ronaldo oo beryaha qaarkood ahaa ciyaartoyga lacagta ugu badan soo gasho, waxaanu hadda noqonayaa laacibkii labaad ee kubadda cagta ah ee Bilyaneer noqda, taas oo uu uga horreeyey Cristiano Ronaldo oo sannadkan horraantiisii galay liiska bilyaneerada.

Dakhliga ciyaartoyda oo ka yimaaddo ilo kala duwan oo ay ugu muhiimsan yihiin mushaharka ay kooxahooda ka qaataan iyo xayaysiimaha ay sameeyaan, ayaa waxa dakhliga tobanka laacib ee ugu sarreeya soo bandhigay wargeyska Forbes oo wax ka qora arrimaha dhaqaalaha.

Lionel Messi ayay sannadkan soo gashay lacag dhan £98 milyan oo Gini, waxaanu kaalinta labaad u diray Cristiano Ronaldo oo 12kii bilood ee ugu dambeeyey ay usoo xerootay lacag dhan £91 milyan oo Gini.

Xiddigaha PSG ee Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa kaalmaha saddexaad iyo afraad soo cidhiidhsaday, waxaana qasnaddooda ku dhacday £74.7 milyan oo Gini iyo £32.6 milyan Gini.

Weeraryahanka reer Masar ee Mohamed Salah ayaa shanta kaalmood ee ugu sarraysa soo buuxiyey iyadoo loo diiwaangeliyey dhaqaalihii soo galay 12kii bilood ee ugu dambeeyey oo noqday £28.8 milyan oo Gini, halka Pogba iyo Griezmann ay isaga kusii xigaan.

Akhriso 10ka ciyaartoy ee ugu dakhliga badnaa 12kii bilood ee ugu dambeeyey:

1. Lionel Messi – $126m (£98m)
2. Cristiano Ronaldo – $117m (£91m)
3. Neymar – $96m (£74.7m)
4. Kylian Mbappe – $42m (£32.6m)
5. Mohamed Salah – $37m (£28.8m)
6. Paul Pogba – $34m (£26.5m)
7. Antoine Griezmann – $33m (£25.7m)
8. Gareth Bale – $29m (£22.6m)
9. Robert Lewandowski – $28m (£21.8m)
10. David De Gea – $27m (£21m)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.