WARBIXIN: Man United Iyo Liverpool Oo Bedelaya Kubadda Cagta England, Laba Koob Oo La Baabiinayo & Sida Ay Wax U Rabaan

Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa hoggaaminaya qorshe cusub oo loogu magac daray “Mashruuca sawirka weyn” oo la doonayo in isbedel loogu sameeyo guud ahaan kubadda cagta England iyadoo arrimo dhawr ah la bedelayo.

Labada kooxood ayaa ah kuwo tartan iyo xifaaltan weyni ka dhaxeeyo balse wargeyska Daily Telegraph ayaa sheegaya inay go’aan ku gaadheen in isbedel lagu sameeyo hanaanka kubadda cagta England.

Warbixinta ayaa sheegaysa in qorshaha labada kooxood yahay in horyaalka Premier League laga dhigo 18 kooxood oo kaliya oo laba kooxood laga dhimo tirada kooxaha hadda ciyaarta.

Intaas waxa dheer in qorshaha ay ku jirto in lacag 250 Milyan oo Pound ah la siiyo kooxaha heerka hoose ee EFL-ka ka ciyaara si ay dhaqaale ahaan kor ugu soo kacaan maadaama oo uu saamayn balaadhan ku yeeshay xanuunka Korona.

Qorshayaasha kale ee ay Reds iyo Red Devils wadaan ayaa ah in gabi ahaanba la kansalo labada koob ee haatan England laga ciyaaro ee kala ah Community Shield iyo Carabao Cup.

Waxa jira wadahadalo wali socda oo lagu doonayo in haddiiba Carabao Cup uu sii jirayo in meesha laga saaro in kooxda ku guuleysata ay gasho tartamada Yurub.

The Telegraph ayaa sheegaya in dalabaadka qorshayaashan lagu doonayo ay soo qoreen Fenway Sports Group oo ah kooxda iska leh Liverpool halka ay Man United taageertay.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in Man United iyo Liverpool ay rajaynayaan in afarta kooxood ee kale ee kala ah Tottenham, Arsenal, Chelsea iyo Man City oo la isku yidhaahdo lixda kooxood ee waaweyni ay ku raaci doonaan qorshahan.

Ugu dambayn, intaas waxa dheer in qorshaha mashruucan ay ku jiraan awooda maamulka horyaalka loo gacan geliyo sagaalka kooxood mudada ugu dheer soo joogay horyaalka oo saddexda kooxood ee lixda waaweyn soo raaca ay noqonayaan Southampton, Everton iyo West Ham United.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.