WARBIXIN: 21-ka Xiddig Ee Inta Ugu Badan Qiime-Dhacay, Xiddiga Booska 1-aad Ku Jira & Haddii Kooxdaadu Kusoo Baxday

Xilli ciyaareedka 2020-21 ayaa balanqaadaya inuu  noqon doono mid kuwii hore ka wada duwan, xanuunka Korona Fayras ayaa waxyeelo weyn u geystay xilli ciyaareedkii hore balse jamaahiirta kubadda cagta ayaa hadda haysta fursada ay kulamo goolal badan ku daawan doonaan.

Waxa in badan isbedelay ee sidii la filayay aan u dhicin ayaa ah sida ay kooxaha waaweyni suuqa u galeen walow uu saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalahooda xanuunkaasi iyo go’doonka dunidu gashay.

p1ekdta86b98u16t61p62lc9113d9.jpg

Dhab ahaantii ma jiri doonto koox bixinaysa qiime lamid ah midkii Neymar JR uu ugu wareegay PSG halka Real Madrid aysan inta ugu yar ee lacag ah suuqa gelinin balse waxa jiray waxyaabo badan oo dabcay kahor xidhitaankii suuqa ee bishan.

Kaliya waxa aad eegtaa oo tusaale kuugu filan kooxda Premier League ee Chelsea taas oo lacago badan kasoo bixisay ciyaaryahano ay kamid yihiin Kai Havertz, Timo Werner, Hakim Ziyech iyo Ben Chilwell taas oo muujinaysa inay wali lacago badan hayaan kooxaha waaweyni.

Natiijo ahaan, waxa isbedel weyni ku yimid qiimaha suuqa kala iibsiga ee qiimaynta ay samayso shabakadda Transfermarkt taas oo ay xiiso badantahay marka la arkayo qiimaha ay hadda suuqa ka joogaan ciyaaryahanada waaweyni.

Haddaba, iyadoo hore loosoo bandhigay ciyaaryahanada qiimaha ugu badani ku kordhay sanadkan 2020 ayaanu halkan idinkula wadaagaynaa kuwa hoos u dhaca ugu weyni ku yimid qiimahooda isla sanadkan.

Warbixinta Transfermarkt ayaa muujinaysa in kabtanka Barcelona ee Lionel Messi uu markii u horreysay 100 Milyan oo euro hoos uga soo dhacay halka Eden Hazard oo Real Madrid ka tirsani uu 90 Milyan oo euro markaliya qiimo dhacay.

Haddaba, waxaanu halkan hoose idiinku soo bandhigaynaa 21-ka ciyaaryahan ee qiime dhaca ugu weyni ku yimid lacagtii ay marka hore suuqa kaga qiimaysnaayeen.

21. Luis Suarez (Atletico Madrid)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £19.8 million

Qiimihiisa Haatan: £16.2 million

20. Allan (Everton)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £19.8 million

Qiimihiisa Haatan: £25.2 million

19. Alexandre Lacazette (Arsenal)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £19.8 million

Qiimihiisa Haatan: £43.2 million

18. Dani Parejo (Valencia)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £22.5 million

Qiimihiisa Haatan: £9 million

17. Lucas Hernandez (Bayern Munich)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £22.5 million

Qiimihiisa Haatan: £40.5 million

16. Ousmane Dembele (Barcelona)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £22.5 million

Qiimihiisa Haatan: £45 million

15. Dele Alli (Tottenham Hotspur)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £23.4 million

Qiimihiisa Haatan: £57.6 million

14. Sergi Roberto (Barcelona)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £27 million

Qiimihiisa Haatan: £18 million

13. John Stones (Manchester City)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £27 million

Qiimihiisa Haatan: £27 million

12. Christian Eriksen (Inter Milan)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £27 million

Qiimihiisa Haatan: £54 million

11. Leroy Sane (Bayern Munich)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £27 million

Qiimihiisa Haatan: £63 million

10. Sadio Mane (Liverpool)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £27 million

Qiimihiisa Haatan: £108 million

9. Harry Kane (Tottenham Hotspur)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £27 million

Qiimihiisa Haatan: £108 million

8. Mohamed Salah (Liverpool)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £27 million

Qiimihiisa Haatan: £108 million

7. Kevin De Bruyne (Manchester City)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £27 million

Qiimihiisa Haatan: £108 million

6. Kepa Arrizabalaga (Chelsea)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £28.8 million

Qiimihiisa Haatan: £25.2 million

5. Raheem Sterling (Manchester City)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £28.8 million

Qiimihiisa Haatan: £115.2 million

4. Neymar (Paris Saint-Germain)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £28.8 million

Qiimihiisa Haatan: £115.2 million

3. Antoine Griezmann (Barcelona)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £36 million

Qiimihiisa Haatan: £72 million

2. Lionel Messi (Barcelona)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £36 million

Qiimihiisa Haatan: £90 million

1. Eden Hazard (Real Madrid)

Qiimaha Uu Hoos U Dhacay: £54 million

Qiimihiisa Haatan: £54 million

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.