Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Caawa Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

Habeen wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogtaan oo wanaagsan akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow kuna soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay caawa qoreen wargaysyada yurub.

Xili ciyaareedka cusub ee 2020/2021 ayaa soo dhawaanaya iyada oo ayna kooxuhu heli doonin waqti badan oo ay ku diyaar garoobaan kadib in saamayntii karoona ay keentay in labada xili ciyaareed laysku daba qaban doono.

Image

Kooxaha Yurub ayaa dadaal wayn ugu jira in ay saxiixyo cusub kooxahooda ku soo xoojiyaan inta ayna bilaaban xili ciyaareedka cusub waxaana haddaba jira kooxo suuqa si toos ah ugu jira.

Haddaba sidii aad nooga barateen waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay caawa wargaysyada yurub qoreen halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Wakiilka Pual Pogba ee Mino Raiola ayaa si rasmi ah u shaaciyay in xidiga reer France uu heshiis cusub u saxiixi doono Man United isla markaana aanu meelna uga socon Old Trafford. Mino Raiola ayaa shaaciyay in si deg deg ah ay u bilaabayaan heshiiska cusub ee Pogba wuxuuna cadeeyay in uu boqolkiiba boqol qayb ka yahay qorshaha xili ciyaareedka cusub ee Man United. (Sky Sports)

Dhinaca kale Mino Raiola ayaa ku dooday in tababaraha cusub ee Juventus ee Andrea Pirlo uu Pep Guardiola ku qasbi doono in uu is qariyo haddii uu Pirlo kooxdiisa Juventus u ciyaarsiiyo qaabkii uu isagu u soo ciyaaray wuxuuna yidhi: “Haddii uu Pirlo kooxdiisa u ciyaar siiyo sidii uu u soo ciyaaray, Pep Guardiola wuxuu bilaabi doonaa in uu dhuunto”.

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa doonaya in uu la soo saxiixdo xidiga kooxda AZ Alkmaar ee Calvin Stengs. Koeman ayaa kulankii ugu horeeyay ee xulka Holland soo safay 21 sano jirkan Stengs kaas oo 5 gool soo dhaliyay isla markaana 8 gool caawin soo abuuray(Sky Sports)

Iyada oo Chelsea ku sii dhawaanaysa in ay la soo saxiixato difaaca bidix ee kooxda Leicester City ee Ben Chilwell, ayay kooxda Foxes bilawday in ay haddaba sii raadsado badalkiisa tooska ah waxayna Leicester City wada xaajood la furtay difaaca bidix ee kooxda Ajax ee Nicolas Tagliafico(Mail On Sunday)

Gool dhaliyaha aadka loo qiimeeyo ee Rodrigo oo ka tirsan kooxda dhibaataysan ee Valencia ayaa ku soo biiri kara kooxda Premeir League u soo dalacday ee Leeds United kadib markii ay kooxda Valencia go’aan ku gaadhay in ay dhegaysan karto dalabyo gaadhaya 30 milyan gini. (Mail On Sunday)

Barcelona ayaa sheegtay inay dalban doonto qiimaha gaaraya 631 milyan ginni haddii Lionel Messi uu ku qasbo iyaga in la iibiyo xagaagan, lacagtaas waa lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ay hal sanno ka hadhsan yahay ( Mundo Deportivo).

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay soo gasho tartankii u dhexeeyay kooxaha Liverpool iyo Barcelona ee heshiiska  Thiago Alcantara, laakiin Gunners ayaan doonayn in ay la kulanto qiimaha Bayern Munich ay xidigan reer Spain ku doonayso oo 23 milyan gini ah iyada oo 29 sano jirkani uu galay 12 kii bilood ee heshiiskiisa ugu danbeeyay.(Mail on Sunday)

Arsenal ayaa ugu danbayn si buuxda heshiis ula  gaadhay difaaca kooxda Lille ee Gabriel Magalhaes, waxayna Gunners difaacan 22 sano jirka ah si buuxda ugu garaacday kooxo ay ka mid yihiin Man United, PSG iyo Arsenal waxaana la filayaa in heshiiskiisa lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.(Sky Sports)

Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa fursad loo siiyay in ay la saxiixan karaan xidiga kooxda Wolves ee Adama Traore kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayay Barcelona. Fursada xidigan lagu heli karo ayaa soo baxday markii ay maamulka Wolves macalinka kooxdooda ee Nuno Espirito Santo u sheegeen in uu lacag kala soo baxo ciyaartoyda uu haysto si uu xoojin u sameeyo. (Sunday Mirror)

Goolhaye Pepe Reina ayaa heshiis la gaadhay kooxda Lazio wuxuuna AC Milan kaga soo baxayaa heshiis laba sanadood ah. Goolhayihii hore ee Liverpool ee Reina ayaa xili ciyaareedkan dhamaaday amaah ku soo qaatay kooxda Aston Villa wuxuuna hadda u jihaystay Lazio. (Sky Italy)

Difaaca Man City ku dhibtoonaya ee John Stones oo hore loola xidhiidhinayay kooxaha Chelsea iyo West Ham United ayaa doonaya in uu booskiisa Man City u sii dagaalamo xataa haddii uu ka galaafanayo in uu tartanka qaramada Yurub ee Euro 2021 uu boos ka waayayo xulkiisa England . (The Sun On Sunday)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.