Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Wargaysyada Yurub Caawa Ka Qoreen.

Fiid wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogtaan oo wanaagsan, kuna soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay ee ay wargaysayada Yurub caawa ka qoreen ciyaartoyda la kala doonayo.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa muddo furan waxayna kooxo badani ku jiraan dadaalo ay ku doonayaan in ay ciyaartoy cusub kula soo saxiixdaan inkasta oo xaaladii saamaynta dhaqaale ee karoonuhu ay wax badan badashay.

Image

Xili ciyaareedka cusub ayaa soo dhawaanaya waxayna taasi dadajin kartaa in ay kooxuhu sameeyaan saxiixyada ay u baahan yihiin si ay tartamada xili ciyaareedka cusub u soo galaan iyaga oo ciyaartoy cusub wata.

Haddaba sidii aad nooga barateen, shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo koobaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay caawa qoreen wargaysyada Yurub halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Manchester Cityayaa isku diyaarinaysa in ay dalab £40 milyan gini ah u dirto kooxda Jose Mourinho ee Tottenham oo ay ka doonayaan xidiga khadka dhexe ee Harry Winks. Mourinho ayaa diyaar u ah in uu xidigan iibiyo laakiin ma cada haddii uu cadowgiisa ugu wayn ee Guardiola isku sii xoojin karo (The Sun)

Chelsea ayaa tartan kala kulmi karta Manchester United iyada oo Blues doonaysa in ay la soo saxiixato difaaca bidix ee kooxda Leicester City ee Ben Chilwell kaas oo lagu qiimaynayo £80 milyan gini.(Daily Express)

Liverpool ayaa wada hadal rasmi ah la furtay kooxda Bayern Munich iyada oo Reds doonaysa in ay la soo wareegto xidiga khadka dhexe ee  Thiago Alcantara kaas oo si buuxda u xaqiijiyay in uu xagaagan ka tago Bayern.(Daily Mirror)

Heshiiska xorta ah ee uu Willian ugu biiray kooxda Arsenal ayuu mushaar ahaan todobaadkii u qaadan doonaa £220,000 kun oo gini isaga oo ka mid noqonaya ciyaartoyda ugu mushaarka qaalisan Gunners.(Daily Mail)

Sababta dhabta ah ee ay Borussia Dortmund u doonayso in ay Jadon Sancho xagaagan uga hor joogsato Man United oo ay u sii haysato ayaa lagu qeexay in ay tahay si ay xagaaga soo socda dagaal dalabyo ah uga dhex abuuraan kooxaha waa wayn ee Yurub.(The Sun)

Paris Saint-Germain ayaa si lama filaan u noqotay koox ugu cad cad ee la wareegi karta xidiga Man United amaahda ku jooga ee Odia Ighalo. (Daily Express).

Kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa dhirbaaxo kala kulmay difaaca kooxda Lille ee Gabriel Magalhaes kaas oo ay doonayeen in ay la soo wareegaan balse ayna hadda heli karin. (Daily Mirror)

Man United ayaa heshiis 12 milyan gini ku kacaya la gaadhay da’yarka kooxda Partizan ee Filip Stevanović  oo 17 sano jir ah waxayna United go’aan ku gaadhay in da’ayrkani uu amaah ku sii joogo isla kooxdiisa Partizan.(Republika)

Inter Milan ayaa tixgalinaysa in ay Chelsea ka dalbato xidiga khadka dhexe ee N’Golo Kanté si ay awooda kooxdooda ee khadka dhexe ugu soo xoojiyaan wuxuuna Conte doonayaa in uu Kante markale kula midoobo Inter Milan(GdS)

Da’yarka Man United ee Tahith Chong ayaa qarka u saaran in uu heshiis amaah ah ugu biiray kooxda Jarmalka ah ee Werder Bremen(Sky Germany).

Kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaa xiisaynaya in ay AS Roma kala soo wareegaan gool dhaliyaha Edin Džeko kaas oo lagu heli karo 15 milyan (Calciomercato)

Maamulka kooxda Barcelona ayaa wali suuqa ugu jira tababarihii badali lahaa Quique Setien haddii ay shaqada kooxda ka caydhiyaan waxaana musharixiinta ku jira Ronald Koeman, Mauricio Pochettino iyo halyayga Barcelona ee Xavi Hernández. (ESPN)

Maamuka kooxda Borussia Dortmund ayaa aaminsan in xagaaga soo socda ay Barcelona iyo Real Madrid soo gali doonaan tartanka Jadon Sancho waana sababta ay ugu faraxsan yihiin in ay hal sano sii haystaan 20 sano jirkan ay Man United sida wayn u doonayso. ( Daily Mirror)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.