Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Caawa Qoreen Wargaysada Yurub.

Habeen wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogtaan oo wanaagsan akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow kuna soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay caawa qoreen wargaysyada yurub.

Xili ciyaareedka cusub ee 2020/2021 ayaa soo dhawaanaya iyada oo ayna kooxuhu heli doonin waqti badan oo ay ku diyaar garoobaan kadib in saamayntii karoona ay keentay in labada xili ciyaareed laysku daba qaban doono.

Image

Kooxaha Yurub ayaa dadaal wayn ugu jira in ay saxiixyo cusub kooxahooda ku soo xoojiyaan inta ayna bilaaban xili ciyaareedka cusub waxaana haddaba jira kooxo suuqa si toos ah ugu jira.

Haddaba sidii aad nooga barateen waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay caawa wargaysyada yurub qoreen halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

WAR CUSUB: Chelsea ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto heshiiska ay kula soo wareegayso difaaca bidix ee kooxda Leicester City ee Ben Chilwell. Blues ayaa ku dhaway in ay xidigan ku soo qaadato qiimo aad u sareeya oo ilaa 50 milyan gini ah sida ay warbaahino badan oo England ahi isku raaceen.

Barcelona ayaa ku qaybsantahay xaalada Lionel Messi waxayna qayb maamulka ka mid ahi doonayaan in Lionel Messi lagu qanciyo in uu kooxda sii joogo laakiin qayb kale oo kooxda ka mid ah ayaa doonaya in Lionel Messi loo ogolaado in uu kooxda ka bixi karo xagaagan. (ESPN)

RASMI: Xidigii Man United lala xidhiidhinayay ee Lewis Dunk ayaa heshiis cusub oo shan sanadood ah qalinka ugu duugay kooxdiisa Brighton si uu meesha uga saaro wararkii Old Trafford la xidhiidhinayay.

Kooxda Juventus ayaa go’aan buuxa ku gaadhay in ay kansasho heshiisyada Gonzalo Higuaín iyo Sami Khedira kadib markii uu tababaraha cusub ee Andrea Pirlo uu qorshihiisa xili ciyaareedka cusub ka saaray. (Fabrizio Romano)

Xidiga kooxda Barcelona ee Rafinha ayaa qarka u saaran in uu  €12 milyan yuro ugu wareego kooxda horyaalka Talyaaniga ee Lazio. (Gazzetta dello Sport)

Tottenham ayaa muhiimada kowaad ka dhigatay in ay Arsenal kala soo wareegto  Ainsley Maitland-Nilessi uu badal ugu noqdo Serge Aurier. Arsenal ayaa aqbali karta dalab gaadhaya £20m. (Daily Mail)

Xidiga ay doonayaan kooxaha Atletico Madrid iyo Napoli ee Federico Bernardeschi ayaa sii joogi doona kooxdiisa Juventus. Xidigan oo qayb ka noqday ciyaartoyda uu wakiilka u yahay Mino Raiola waxaana heshiiskiisa Juve ka hadhsan laba sanadood.(Tuttosport)

Kooxda soo gaadhay finalka UEFA Champions League ee Paris St-Germain ayaa la socota xaalada difaaca Man United ee Diogo Dalot, kaas oo la filayo in uu xagaagan ka baxayo Manchester United ( O Jogo)

Kooxda Wolves ayaa doonaysa in ay kooxda Sevilla kala soo wareegto Lucas Ocampos haddii ay kooxaha waa wayn ee Yurub u lumiyaan  Adama Traoré oo lala xidhiidhinayo Man City, Barcelona, Liverpool waxaana Traore lagu qiimaynayaa £70m halka ay Wolves xidiga Sevilla ee Ocampos ku doonayso 45 milyan. ( Daily Star)

Mikel Arteta ayaa doonaya in xidiga uu kooxdiisa ka dirayo ee Matteo Guendouzi uu ku soo xero galiyo xidiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar waxayna Gunners doonaysaa in Matteo Guendouzi uu heshiiskan qayb ka noqdo.( Daily Mail)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.