Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Salaasa Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Salaasa ah:

Manchester City ayaa si adag uga shaqaynaysa sidii ay ku heli lahaayeen kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo 33 jir ah, haddii uu go’aansado inuu ka tago Camp Nou. (ESPN)

Mulkiilihii hore ee Inter Milan, Massimo Moratti ayaa rumaysan in kooxdiisa hore ay isku dayi doonto inay soo iibsato Lionel Messi. (AS)

Chelsea waxa kale oo ay qaab xor ah kula soo saxeexanaysaa difaaca reer France ee Malang Sarri oo 21 jir ah, waxaana la sheegayaa inay la gaadhay heshiis afar sannadood ah. Laacibkan ayaa xili ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ku qaatay Nice. (Telefoot)

Difaaca midig ee Arsenal, Hector Bellerin oo 25 jir ah, waxa dalab kasoo gudbisay Paris St-Germain. (Times0

Tababare Mikel Arteta waxa uu doonayaa in Arsenal uu yimaaddo halyeygii hore ee kooxdaas ee Dennis Bergkamp, isla markaana uu noqdo tababare ku-xigeenkiisa. (Sun)

Khadka dhexe ee Ajax iyo xulka qaranka Netherlands ee Donny van de Beek oo 23 jir ah, waxa uu dalabyo ka sugayaa kooxaha horyaalka Premier League. (Sky Sports

Xiisaha Leeds United ee weeraryahanka reer Argentina ee Nicolas Gonzalez oo 22 jir ah ‘waa mid dhab ah’, sida uu sheegay agaasimaha ciyaaraha kooxda Stuttgart, Sven Mislintat. (Yokshire Evening Post)

Everton waxay heshiis la gaadhay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Napoli ee Allan oo ah 29 jir reer Brazil ah oo ay ka bixinayso lacag dhan £31.5 milyan oo Gini. (Express)

Barcelona waxay kansalaysaa heshiiskii ay kula jirtay weeraryahanka reer Uurugay ee Luis Suarez oo 33 jir ah. (RAC 1)

Difaaca Manchester United ee Victor Lindelof oo 26 jir ah ayay booliska Sweden uga mahad-celiyeen markii uu qabtay tuug si budhcadnimo ah boorso ugala cararay Islaan da’ ah. (Sky Sports).

Wolves waxay wada-hadallo heerkoodu sarreeyo kula jirtaa difaaca midig ee Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles oo 22 jir ah. (Sky Sports)

Manchester United waxay diyaar u tahay inay amaah ugu dirto goolhayaheeda reer Portugal ee Joel Paereira oo 24 jir ah kooxda Huddersfield Town. (Sun)

Valencia ayaa doonaysa weeraryahanka Real Madrid ee Borja Mayoral oo 23 jir ah. (Mundo Deportivo)

ATababaraha Aston Villa ee Dean Smith ayaa sheegay inay falanqeeyeen agaasimaha cusub ee ciyaaraha ee Johan Lange sidii ay ula soo wareegi lahaayeen ciyaartooyo xagaagan. (Birmingham Mail).

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.