Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Axad Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Sabti ah:

Manchester City waxay rumaysan tahay inay tahay kooxda ugu macquulsan ee Lionel Messi la saxeexan karta, waxaana ka caawinaya Pep Guardiola oo doonaya inay mar kale midoobaan laacibkan. (Sunday Mirror)

Tababarihii hore ee Tottenham, Mauricio Pochettino ayaa hoggaaminaya liiska tababareyaasha murashaxdiinta u ah macallinka xiga ee Barcelona, iyadoo naadigu qorshaynayo in maalmaha soo socda la caydhiyo Quique Setien. (Guardian)

Goolhayaha 37 jirka ah ee Ben Foster ee kooxda Watford ayaa xagaagan bartilmaameed u noqday kooxaha Chelsea iyo Everton. (Sun)

Chelsea waxay taakooyin u jirta heshiis waqti dheer ah oo ay la saxeexato difaaca reer England ee Ben Chilwell oo ah 23 jir ka tirsan Leicester City oo qiimihiisu yahay £80 milyan oo Gini. (Independent)

Leicester City waxay eryanaysaa goolhayaha reer Spain ee Sergio Rico oo ka tirsan Sevilla, laakiin 26 jirkan ayaa waqtigan amaah ugu maqan PSG. (Mirror)

Borussia Monchengladbach waxay diiraddeedu saaran tahay weeraryahanka Lyon ee Maxwel Cornet oo xalay dhaliyey goolkii furitaanka ee kooxdiisu ku garaacday Manchester City, waxaana sidoo kal 23 jirkan doonaysa kooxda Wolfersburg. (Le10 Sport)

Difaaca Manchester United ee Chris Smalling oo ah 30 jir xili ciyaareedkii hore amaah ugu maqnaa Roma, ayaa iska diiday inuu dheg jalaq uxiiyo dalabyada ka imanaya Newcastle. (Mail)

Inter Milan waxay dalab £20 Milyan oo Gini ah ka gudbinaysaa difaaca reer England ee Smalling, si ay meel isugu geysso Alexis Sanchhez iyo Lukaku. (Express)

Thiago Alcantara ayaa waqti horeba macasalaameeyey ciyaartoyda kooxdiisa Bayern Munich, waxaana la filayaa inuu xagaagan u dhaqaaqlo Anfield. (TalkSport)

Napoli waxa la aaminsan yahay inay ku guuleysanayso tartanka loogu jiro difaaca bidix ee Real Madrid ee Sergio Reguilon oo 23 jir ah, kaas oo waqtigan amaah ugu maqan Sevilla. (Calciomercato)

Khadka dhexe ee Manchester United ee Andrea Pereira oo u dhashay waddanka Brazil ayaa la filayaa inuu ka tago kooxdiisa, waxaana 24 jirkan xiisaynaysa kooxda reer Portugal ee Benfica iyo naadiyo kale oo Germany iyo Spain ka dhisan. (Times)

Borussia Dortmund waxay ku dhow dahay inay heshiis amaah sannad ah ku qaadato kubbad-sameeyaha Real Madrid ee Reinier Jesus oo ah 18 jir u dhashay Brazil. Waxa heshiiskan lagu darayaa qodob Dortmund siinaya inay sannad kale ku darsan karto heshiiska amaahda. (ESPN)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.