Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Axad Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Axad ah:

Leicester City waxay doonaysaa inay lasoo saxeexato difaaca bidix ee Ajax ee Nicolas Tagliafico oo 27 jir ah si uu ugu beddelo Ben Chilwell oo ah 23 jir reer England ah oo ay Chelsea u dhow dahay inay heshiis la gaadho. (Mail)

Wolves waxay diyaar u tahay inay iibiso laacibkeeda garabka weerarka ee Adama Traore oo ah 24 jir u dhashay Spain, kaddib markii tababare Nuno Espirito Santo loo sheegay inay qasab ku thaay inuu iibiyo ciyaartooyo ka hor inta aanu waxba soo iibsanin. (Mirror)

Wolves waxay doonaysaa gaabka weerarka Sevilla ee Lucas Ocampos oo reer Argentine ah si uu ugu beddelo Traore. (Sky Sports0

Manchester United waxay go’aansatay inay iskaga baxdo wada-hadallada iyo qorshaha xagaagana ay ku doonaysay inay kula soo saxeexato weeraryahanka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, waxaanay heshiiskiisa u dhaqaaqi doontaa xagaaga dambe. (Express)

Rajadii Manchester United ay ka qabtay inay kula soo saxeexato kubbad-sameeyaha reer Wales ee David Brooks oo 23 jir ah ayaa sare u kacday kaddib markii Bournemouth ay sheegtay in aanay hor joogsanin doonin ciyaartoygeeda doonaya inay baxaan. (Sun)

Arsenal waxay kalsooni buuxda ku qabtaa inay lasoo saxeexan doonto difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhes oo ah 22 jir u ciyaara Lille. Waxa la filayaa in toddobaadkan ay lasoo wareegto. (Independent)

Telefoon uu tababare Mikel Arteta kula xidhiidhay magalhaes ayaa uu ku qanciyey inuu kusoo biiro kooxdiisa Gunners. (Corriere dello Sport)

Arsenal waxay Liverpool kula tartamaysaa kubbad-sameeyaha Bayern Munich ee Thiago Alcantara oo 29 jir ah, laakiin waxay kooxda reer Germany uga baahan yihiin inay hoos u dhigto qiimaha laacibkan. (Mail)

Agaasimaha ciyaaraha Bayern Munich, Rudi Voller ayaa sheegay in kooxdiisu deggan tahay oo aanay wax dhibaato ah ku qabin kubbad-sameeyahooda 21 jirka ah ee reer Germany ee Kai Havertz, inkasta oo laacibkan lala xidhiidhinayo Chelsea. (Star)

Barcelona waxay isku diyaarinaysaa inay u jawaabto Kabtankooda reer Argentine ee Lionel Messi, haddii 34 jirkani uu ka dalbado codsi ah inuu iska tago. (Clarin)

Arsenal iyo Barcelona waxay xiise u muujinayaan difaaca 21 jirka ah ee reer Grance ee Malang Sarr oo si xor ah ay kusoo qaadan karayaan kaddib markii uu ka tegay Nice. (Mail)

Leeds United ayaa wada doonaysa inay heshiisyo iib iyo amaah iskugu jira ku qaadato labada weeraryahan ee Liverpool ee Divock Origi oo 25 jir ah iyo Rhian Brewster oo 20 jir ah. (Mirror)

Newcastle, Everton, West Ham iyo Fulham ayaa dhamaantood doonaya difaaca Manchester United ee Chris Smalling oo 30 jir ah. (90min)

Tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti ayaa ka walaacsan in kooxdu u hirgelin weydo qorshihiisa suuqa. (Star)

Everton ayaa ku xidhay saxeexa weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison £143 milyan oo Gini, iyadoo 23 jirkan la sheegayo in Barcelona ay danaynayso. (Mirror)

Toddoba kooxood ayaa ku tartamaya laacibka khadka dhexe ee Liverpool ee Marko Grujic oo ah 24 jir u dhashay Serbia. (Goal)

Weeraryahanka Valencia ee Rodrigo waxa uu doonayaa inuu ku biiro Leeds United oo doonaysa inuu hoggaamiyo afkooda  hore xili ciyaareedka dhowaanta bilaabmi doona. (Mail)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.