SAADAAL: Xasuuqa Loo Geysanayo Man United, Chelsea Oo Guul-darro Xambaaranaysa, Liverpool Oo Soo Noolaanaysa Iyo Saadaasha Premier League Ee Toddobaadkan

Kulanka ugu weyn horyaalka Premier League ee toddobaadkan la ciyaarayo waa Manchester City iyo Chelsea oo garoonka Etihad Stadium foodda isku-dari doona, halkaas oo natiijada kasoo baxdaa ay isbeddel weyn ku samayn doonto sida uu yahay miiska kala-sarraynta Premier League.

Manchester City oo toban dhibcood ka horreysa Chelsea oo kaalinta labaad ku jirta, ayaa haddii ay guuleysato waxay sii dheeraysan doontaa hoggaankeeda iyadoo 13 dhibcood ka horreynaysa Blues, hase yeeshee Thomas Tuchel ayaa dhimasho ka xiga in sidaasi dhacdo.

‘Gari laba nin kama wada qosliso’ ayaa ahayd maahmaah Soomaaliyeed, waana midda ay haddaba sii ogyihiin Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel, balse tababaraha reer Germany waxa isagu uu xataa faa’iido u arkaa in uu barbarro soo galo, sababtoo ah kooxdiisa ayaa mari ah, waxaana ugu weyn ee uu ka ordayaa guul-darro sababta inuu waqti horeba lumiyo tartanka horyaalka oo haddaba rajadoodu gabaabsi tahay.

Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa waxa uu guul 2-1 ah u saadaaliyey Manchester City, taas oo haddii ay run noqoto meesha ka saaraysa in Man City lagula tartami karo horyaalka.

Labada kooxood ee reer London ee Tottenham iyo Arsenal ayaa iyaguna Axadda ku ballansan kulan natiijadiisu xaasaasi tahay oo ay saamayn ku yeelan karto booska kaalinta afraad ee horyaalka.

Arsenal ayaa safar ugu tegaysa Tottenham, waxaana haddii laga badiyo ay lumin doonaan booska kaalinta afraad oo Spurs ay kala wareegi doonto maadaama ay laba dhibcood oo kali ah ka horreyso hadda.

Manchester United ayaa uu Paul Merson u saadaaliyey in la xasuuqayo toddobaadkan marka ay garoonka Villa Park ugu tagto Aston Villa oo uu Steven Gerrard kusoo kordhiyey dhiig cusub, sida Philippe Coutinho iyo Lucas Digne.

Liverpool ayaa kaalinta labaad kala bixi doonta Chelsea sida uu saadaasha ku sheegay Paul Merson, waxaanay kooxda tababare Klopp ay si fudud u dhirbaaxi doontaa Brentford.

Saadaasha Paul Merson ee toddobaadkan oo dhamaystiran:

Brighton 2-2 Crystal Palace

Wolves 2-1 Southampton

Norwich City 2-1 Everton

Manchester City 2-1 Chelsea

Newcastle United 1-1 Watford

Burnley 1-3 Leicester City – Waa la baajiyey

Aston Villa 3-1 Manchester United

West Ham 3-1 Leeds United

Liverpool 3-0 Brentford

Tottenham Hotspur 1-2 Arsenal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*