Telefishanka Sky Sports ayaa sameeyey saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaas oo ah kulamada 29aad ee xilli ciyaareedkan.
Manchester City oo hoggaanka horyaalka ku haysa 14 dhibcood oo ay ka horreyso Manchester United oo kusoo xigta ayaa waxay la ciyaari doontaa Fulham, waxaana Guardiola uu ka xoogsan doonaa saddex dhibcood oo usii dhoweeya hanashada horyaalka.
Laakiin Manchester United ayaa imtixaan adag ku mari doonta garoonka Old Trafford oo ay ku qaabbili doonto West Ham United oo uu hormood u yahay macallinkii hore ee Red Devils ee David Moyes, waxaase saadaasha Sky Sports ay muujinaysaa in Ole Gunnar Solskjaer uu jidka guusha kusoo laaban doono kaddib barbarrihii Khamiistii ay la galeen AC Milan oo ay luga hore ee wareegga 16ka Europa League wada ciyaareen.
Liverpool ayaa hoos usii socon doonta marka ay Wolves u tagto, waxaana mar kale ay ahaan doontaa koox aan wax goolal ah dhalinin, taas oo keeni karta inay hoos uga dhacdo kaalinta siddeedaad ee ay hadda ku jiraan, sida ay sheegayso saadaasha Sky Sports ee toddobaadkan.
Ciyaarta aadka u xiisaha badan usbuucan ayaa ah kulanka ay jilbaha isku dhigan doonaan Arsenal iyo Tottenham oo ku ballansan kulanka lagu naanayso North London Derby, taas oo xamaasaddeeda uu sii shiday Jose Mourinho oo ku maadsaday Gunners xilli uu warbaahinta la hadlayay.
Chelsea oo ah kooxda horumarka ugu badan ka samaysay horyaalka Premier League tan iyo dhamaadka bishii January markii la magacaabay Thomas Tuchel oo aan hal mar laga badinin, ayaa mar kale sii wadan doonta jiedka guusha iyadoo markan meel iskaga xidhi doonta Leeds United oo ay kusoo garaaci doonto Allan Road.
Sky Sports oo saadaasha Premier League uu xilli ciyaareedkan u sameeyo khabiirka Jones Knows, ayaa waxa uu ka nixiyey Jurgen Klopp oo uu ugu bushaareeyey in uu barbarro goolal la’aan ah kala soo laaban doono Wolves oo ay marti u noqonayaan.
Halkna kaga bogo saadaasha horyaalka Premier League ee toddobaadkan
Newcastle 0-2 Aston Villa
Leeds 1-3 Chelsea, Saturday 12.30pm
Crystal Palace 1-2 West Brom
Everton 1-1 Burnley
Fulham 1-3 Manchester City
Southampton 2-1 Brighton
Leicester 1-0 Sheffield United
Arsenal 1-1 Tottenham
Manchester United 2-0 West Ham
Wolves 0-0 Liverpool
Be the first to comment