DEG-DEG: Premier League Oo Gacanta Ku Dhigay Dalab Ka Yimid Arsenal Oo Dib Loogu Dhigayo Kulanka Tottenham

Premier League ayaa gacanta ku dhigay codsi ka yimid Arsenal oo lagu dalbanayo in lagu baajiyo ciyaarta horyaalka ee Axadda ee Gunners ay u tegayso Tottenham, waxaana uu hadda shaki weyni ku jiraa in la ciyaari doono kulanka derbiga Woqooyiga London.

Arsenal ayaa ka codsaday maamulka Premier League in la baajiyo ciyaartii ay safarka ugu tegaysay Tottenham kaddib markii ay dhaawacyo iyo Fayraska Korona oo wada socda ay ku habsadeen.

13 ciyaartoy oo kooxda koowaad ah ayaa la filayaa in Arsenal ay ka maqnaadaan kulanka Tottenham, taasina waxay wiiqaysaa awooddii uu Mikel Arteta kula loollami lahaa kooxda ay isku xaafadda ka dhisan yihiin ee Spurs.

Dhakhaatiirta Arsenal ayaa habeenkii xalay waxay qiimayn ku samaynayeen xaaladda Bukayo Saka, Kieran Tierney, Cul Chambers iyo Cedric Soares oo dhamaantood dhaawacyo kasoo gaadheen kulankii Khamiistii ee Carabao Cup ee Liverpool.

Martin Odegaard ayaan qayb ka ahayn ciyaartoydii Arsenal ee safarka ku tagtay Anfield kaddib markii uu ku dhacay Fayraska Korona, halka Emile Smith Rowe, Takehiro Tomiyasu iyo Saed Kolasinac ay iyaguna dhaawac kaga maqnaayeen kulankaas.

Afar ciyaartoy oo kale ayaa Arsenal kaga maqan tartanka qaramada Afrika, waana Thomas Partey, Pierre-Emerick Aubameyang, Nicolas Pepe iyo Mohamed Elneney.

Waxa xaaladda Arsenal sii xumeeyey Granit Xhaka oo kaadh cas oo toos ah qaatay kulankii Liverpool, isla markaana saddex ciyaarood ku maqnaan doona ganaax.

Tababare Mikel Arteta ayaa si aad ah uga shaqaynaya sidii ay kooxdiisu heshiis amaah ah ugula soo wareegi lahayd laacibka Juventus ee Arthur Melo oo ay warbaahinta Ingiriisku sheegeen in saacadaha soo socda ay Gunners heshiiskiisa. Waxa kale oo ay Arsenal dib ugu yeedhatay laacibka da’da yar ee Miguel Azeez oo amaah ugu maqnaa Portsmouth, si uu qayb uga noqdo xalka mushkiladda ku habsatay kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*