Waqtiga Ay Arsenal Sida Rasmiga Ah Ugu Dhawaaqi Doonto Saxeexeeda Cusub Ee Gabriel Magalhaes Oo La Shaaciyey

Arsenal ayaa qarka u saaran inay gacanta ku dhigto difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhes oo ay £27 milyan oo Gini kagala soo wareegayso kooxda Faransiiska ah ee Lille.

Maalmihii ugu dambeeyey, Manchester United, Paris Saint-Germain iyo Napoli ayaa soo galay tartanka saxeexa Gabriel, laakiin difaacan dhexe ayaa doortay inuu Arsenal kula midoobo tiro ciyaartooyo ay isku waddan yihiin oo u gacan haadinaya sida David Luiz, Gabriel Martinelli iyo saxeexa cusub ee Willian.

22 jirkan ayaa toddobaadkan si rasmia h ugu biiri doona Arsenal, laguna soo bandhigi doonaa garoonka Emirates sida uu sheegay wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano oo wax badan kala socda suuqa iibka ciyaartoyda.

Wariyahan ayaa bartiisa Twitterka ku qoray: “Arsenal waxay heshiis la gaadhay difaaca Lille ee Gabriel Magalhes, waxaana heshiiska si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa toddobaadka dambe (usbuucan)”

Dhinaca kale, 22 jirkan ayaa la sheegay in qalbigiisa ay ku weyn tahay inuu ku biiro Arsenal oo uu taageero u yahay, waxaana dad ka ag dhow ay warbaahinta u sheegeen: “Riyada Gabriel waa inuu ka ciyaaro Premier League oo uu Arsenal u dheelo.”

Haddii Gabriel uu toddobaadkan si rasmi ah uga mid noqdo Arsenal, waxa kulankiisa ugu horreeya uu noqon doonaa ciyaarta Fulham ee furitaanka horyaalka ee September 12, laakiin waxa ka soo horreyn kara oo uu kaydka soo fadhiisan karaa Sabtida soo socota marka ay Liverpool iyo Arsenal iskaga hor yimaaddaan ciyaarta koobka ah ee Community Shield ee daahfurka u ah xili ciyaareedka cusub.

Si kastaba, Gabriel Magalhaes ayaa noqon doona saxeexii labaad oo weyn ee ay Arsenal samayso xagaagan, waxaana ka horreeyey Willian oo heshiis xor ah ay kagala soo wareegtay Chelsea.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.