Walee Shaqaa Ka Go’an!! – Arteta Oo Kaddib Guushii FA Cup Taleefan Ku Wacay Xiddig Barcelona Ah Oo Uu Doonayo & Rabitaanka Xiddigaas Oo La Ogaaday

Tabaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo warramayaa inuu haatanba kusii gudo jiro qorshayaasha suuqa kala iibsiga ee kooxdiisa xilli ay soo baxeen warar sheegaya inuu xidhiidh toos ah la sameeyay khadka dhexe ee Barcelona ee Ivan Rakitic.

32 sano jirka ree Croatia ayaa isku diyaarinaya inuu iskaga tago Camp Nou kaddib lix sano oo uu usoo ciyaarayay kooxdaas, Rakitic ayaan xilli ciyaareedkan helin wakhti ciyaareed lamid ah kuwii doorarkii hore.

Coronavirus life changes for Barcelona's Ivan Rakitic - AS.com

Il-wareedka ree France ee Le10Sport ayaa ku dooday in tababare Mikel Arteta uu ka dul talaabsaday xataa ragga suuqa u qaabilsan kooxdiisa isla markaana uu toos taleefan ugu wacan Rakitic si uu ugu qanciyo inuu kusoo biiro Arsenal.

Sida lagu sheegay warbixinta, tababaraha Arsenal ayaa Ivan u sheegay qaabka uu ugu adeegsan karo kooxda xilli uu baahi weyn u qabo inuu soo xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Si kastaba Rakitic ayaan isagu shaqsiyan wax xiiso ah u qabin inuu u dhaqaaqo dhinaca Premier League iyo dalka England waxaana uu doorbidayaa inuu baaqi kusii ahaado Spain amaba uu dhinac Serie A-da Talyaaniga ka xaadiro.

Ciyaaryahankii hore ee Sevilla ayaan hadda joogto ka ahayn shaxda koowaad ee kooxdiisa Barcelona waxaana inta badan xilli ciyaareedkan kooxdaas lagu adeegsanayay isaga oo keydka kasoo kacaya.

Rakitic oo sidoo kale lala xidhiidhinayo ku laabashada Sevilla ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray Barcelona soo ciyaaray 309 gool isaga oo 35 gool soo dhaliyay 41 kalena caawiye kasoo ahaa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.