Wakiilka Lautaro Martinez Oo Tilmaamay SADDEXDA Kooxood Ee Xiddigiisa Doonaya & Kooxaha La Tartamaya Barcelona

Wakiilka weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez oo lagu magacaabo Alberto Yaque ayaa toos u magacaabay saddexda kooxood ee doonaya saxeexa ciyaaryahankiisa xilli inta ugu badan lala xidhiidhinayay kooxda Barcelona.

Kooxaha waaweyn ee ree Yurub ee magaca Lautaro lala xidhiidhinayay suuqii dhawaan xidhmay ayaa ahaa kuwo aad u badan balse waxa safka ugu horreeya markasta ka taagnayd Barca.

Lautaro Martinez Is Still Top Priority For FC Barcelona — But On Two Conditions

Marka laga yimaado inuu Lautaro Martinez soo muujiyay caalamadaha ah inuu doonayo ka ciyaarista Camp Nou, heshiiska ayaa gabi ahaanba bur-buray maadaama Barcelona ay awood buuxda u yeelan weyday inay bixiso lacagta 111 Milyan ee euro ah ee heshiiskiisa ku xidhan.

Sidoo kale kooxaha kala ah Real Madrid, Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa ahaa kuwo wakhti kamida suuqii tagay lala xidhiidhiyay gooldhaliyaha ree Argentina.

Wakiil Yaque oo hadda xogtii ugu dambaysay siiyay il-wareedka TNT ayaa shaaca ka qaaday in saddexda kooxood ee Martinez doonayaa ay kala yihiin Barcelona, Real Madrid iyo Manchester City.

Dhinaca kale warka u wanaagsan kooxaha Lautaro doonaya ee kasoo yeedhay wakiil Alberto Yaque ayaa ah inaysan wali wax wadahadalo ay heshiis kordhin ku samaynayaan ah la bilaabin Inter Milan.

Alberto Yaque ayaa yidhi “Barcelona, Madrid ama Manchester City miyaa? dhammaantood way doonayeen balse waxba ma aysan ahayn xaqiiqo dhab ah”

“Isagu waxa uu haystaa laba sano oo kale oo heshiiskiisa Inter uga hadhsan iyadoo uu suuqu hadda uun xidhmay, wali lamaanaan fadhiisan oo lamaanu hadal Inter”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.