Wakhtiga Uu Kulankiisa Ugu Horreeya Edinson Cavani U Ciyaari Doono Man United Oo Halis Galay & Kulanka Riyada Ah Ee Uu Ku Bilaaban Karo

Waxa uu dib u dhac ku iman karaa xilliga uu kulankiisa ugu horreeya ee Manchester United ciyaari doono saxeexa cusub ee kooxdaas ee Edinson Cavani oo kamid ahaa afar ciyaaryahan oo ay saxeexooda Red Devils shaaciyeen maalintii ugu dambaysay suuqa.

Cavani ayaa caadiyan la filan karayay inuu kulankiisa ugu horreeya Man United u ciyaari doono ciyaartooda ugu soo horreysa ee ay booqanayaan kooxda Newcastle United kaddib kulamada qaramada.

Sababta ay xaaladu sidaas uga duwanaan karto ayaa ah in la raaci doono sharciyada caabuqa saf-marka ah ee Korona isla markaana uu Edinson seegi karo kulanka Magpies ay booqanayaan Red Devils.

Cavani ayaa gali kara 14 maalmood oo karantiin ah isaga oo raacaya sharciga xanuunka uga yaala dawlada UK taas oo ah waxa dib u dhaca ku keenaysa kulanka ugu horreeya ee uu kooxdiisa cusub metelayo.

Cavani ayaa haddiiba uu sharcigaas maro karantiinka uu gali doono kasoo bixi doona maalin kaddib ciyaartooda Newcastle United.

Kulanka ugu xasaasisan ee riyada u ah 33 sano jirka ree Uruguay ee ku xiga midka Newcastle United ayaa ah midka Champions League ee ay Man United booqanayso kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain.

Cavani ayaa kaddib markii uu ka dhammaaday heshiiskiisii PSG ahaa mid ku dhex nool bulashada caadiga ah ee magaalada Paris taas oo ah sababta qasbaysa in la karantiimo oo laga taxadarro.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.