Waakan Rekoodhka FADEEXADA Ah Ee Virgil Van Dijk Looga Diiwaan Galiyay Kulankii Leeds & Xogtan Oo Darajadiisa Bahdil Ku Ah

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa xalay guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee 2020-21 kaddib ciyaar xamaasad badan oo toddoba gool la iskaga dhaliyay Anfield oo ay la ciyaareen kooxda soo dalacday ee Leeds United.

Reds ayaa saddex gool oo laba rigoore ahaayeen ka helay Mohamed Salah halka Virgil Van Dijk uu goolka kale dhaliyay iyagoo ka fakaday dhibco ay ka goyn lahayd Leeds oo ay 4-3 kaga guuleysteen.

Van Dijk ayaa marka laga yimaado inuu gool muhiim ah kulankaas uga soo dhaliyay Liverpoo, sidoo kale soo sameeyay qaladkii dilaaga ahaa ee sababay in Leeds ay mar kulanka ka dhigto 2-2.

Virgil oo isku dayay inuu celiyo kubad sarre ayaa baas sahlan goolka ugu hordhiibay dhaliyaha Leeds United ee Patrick Bamford.

Xogta loo diiwaan galiyay Van Dijk ayaa ah inuu yahay xiddiga sameeyay qaladaadka ugu badan ee gool sababay tan iyo bilaabashada xilli ciyaareedkii 2018-19 isaga oo labadaas xilli ciyaareed ee kulanka xalay dheeraa soo sameeyay saddex qalad oo goolal noqday.

Van Dijk ayaa ah xiddiga ugu badan ee qaladaadkaas sameeyay mudadaas marka laga eego dhinaca xiddigaha gudaha garoonka ku jira ee aan goolhayayaasha ahayn. Xogtan ayaa ah mid ceeb ku ah daafac gaadhsiisan darajada VVD oo kale.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.