Waad Baxaysaa!! – Barcelona Oo Mid Kamida Xiddigaha Kooxdeeda Si Cad Ugu Sheegtay Inuu Kooxda Faarujin Doono Suuqa Xagaaga

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa wajahaysa dib u dhis muhiim ah kahor xilli ciyaareedka dambe, sababtaas darteed waxa lagama maarmaan ah in ciyaartoy kooxda magac ku lehi albaabka Camp Nou ka baxaan suuqa xagaagan.

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, ciyaaryahanka weyn ee ugu horreynba baxaya ayaa noqon doona daafaca dhexe ee kooxdaas ee Samuel Umtiti, ninka ree France ayaa kusoo dhalaalay Barca markii uu yimid isaga oo lamaane daafac oo wacan la noqday Gerard Pique.

Umtiti ayaa soo sameeyay bandhigyo wanaagsan iyadoo xawaarihiisa marka uu ciyaarayo ay sababtay in saxeexiisa lagu tilmaamo mid lacag ahaan jabnaa xilli shaqsiyaadka falanqaynaha xogaha sameeyaa ay ku sifeeyeen mid kamida daafacyada ugu wanaagsan Yurub.

Si kastaba, Umtiti ayaa bilaabay inuu labadii sano ee ugu dambeeyay dhaawacba mid kale u dhiibo iyadoo ciyaartiisuna hoos u dhacday.

Ma uusan noqon mid markale sidii hore oo kale u ciyaara isagoo haddii uu ciyaarayo qabay dhibaatooyin jidh ahaaneed iyo kalsooni darro weyn.

Xaqiiqada jirta kahor xilli ciyaareedka dambe ayaa ah in Umtiti uusan ku jirin qorshaha kooxda oo ay madaxda kooxduna doonayaan isaguna ogyahay go’aankaas sida warbixinta Sport lagu shegay, horyaalka Talyaaniga ayaa ah midka uu xiisaha ugu badan ka helayo.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in muhiimad intii hore ka badan la siin doono Clement Lenglet, kooxda koowaad loosoo dalacsiin doono Araujo oo da’yarta ka tirsan isla markaana ay Barcelona waxkasta u samayn doonto saxeexa Eric Garcia oo Man City ka tirsan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.