Waaa Kuwan 15 Ka Heshiis Ee Ugu Muhiimsan Ee Ay Ilaa Hadda Kooxaha Yurub Ku Guulaysteen.

Waxaa lagu jiraa bisha August laakiin wali si rasmi ah umuu xidhmin xili ciyaareedkii 2019/2020 kadib saamayntii cudurka karoonaha laakiin iyada oo xili ciyaareed cusub ayaa isla markiiba waxaa bilaami doona xili ciyaareedka cusub taas oo kooxaha ku qasbaysa in ay hore u galaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Kooxaha Yurub waxay haddaba sameeyeen saxiixyo muhiim ah waxaana jira kuwo si rasmi ah loo dhamaystiray iyo kuwo heshiiskoodu dhan yahay oo aan wali lala kala wareegin balse ayna waxba hadhsanayn.

Kooxaha Yurub xili suuqan ma heli doonaan waqti badan oo ay suuqa ku daawadaan maadaama oo bisha soo socota xili ciyaareedka cusub la furi doono waana sababta loo filayo in suuqu uu si dar dar leh ku dhaqaaqi doono.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa 15ka saxiix ee ugu muhiimsan ee ay ilaa hadda kooxaha Yurub sameeyeen halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Ciyaartoyda ugu magaca wayn ee ilaa hadda lacagaha badan lagula kala wareegay waxaa ka mid ah Mauro Icardi oo ay PSG ka bixisay 50 milyan kadib markii ay heshiiskii uu amaahda ugaga maqnaa Inter Milan ka dhigtay mid rasmi ah.

Leroy Sane oo ay Bayern Munich ka bixisay 45 milyan oo ay Man City kala wareegtay,Miralem Pjanic oo ay Barcelona kula soo wareegtay 60 milyan iyo Timo Werner oo Chelsea ku soo gaadhay 53 milyan ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu saamaynta badan ee ilaa hadda lala kala wareegay.

waxaa ciyaartoyda qiimaha sare ee suuqa ilaa hadda lagu iibsaday ku jira xidiga ay kooxda Napoli ka soo bixisay 70 ka milyan ee Victor Osimhen kaas oo ay ka soo qaadatay kooxda Lille.

Halkan kaga bogo liiska 15ka ciyaartoy ee ugu muhiimsan ee ilaa hadda lala kala wareegay, kooxaha la soo wareegay iyo kuwii ay ka tirsanaayeen.

1-Timo Werner-RB Leipzig ⇒ Chelsea

2-Hakim Ziyech- Ajax ⇒ Chelsea

3-Ferran Torres- Valencia ⇒ Man City

4-Nathan Ake- Bournemouth ⇒ Man City

5-Miralem Pjanic-Juventus ⇒  Barcelona

6- Trincao-Barcelona ⇒ Braga

7- Alvaro Negredo-Besiktas-Cadiz(Cadiz waxay u soo dalacday La Liga)

8-Leroy Sane- Man City ⇒Bayern Munich

9- Jude Bellingham-Birmingham ⇒ Borussia Dortmund

10-Thomas Meunier- PSG ⇒ Borussia Dortmund

11-Alexander Nubel -Schalke ⇒ Bayern Munich

12-Arthur Melo-Barcelona ⇒ Juventus

13-Achraf Hakimi- Real Madrid ⇒ Inter Milan

14-Victor Osimhen- Lille ⇒ Napoli

15-Mauro Icardi- Inter Milan ⇒ PSG

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.