“Waa Waqtigii Go’aanka, Mar Hore Ayaanan Ka Fikiray Qaarkood” – Madaxweynaha Barcelona Oo Inta Qorraxdu Soo Baxayso La Sugi Waayey Go’aamada Uu Gaadhay Kaddib Fadeexaddii Bayern Munich

Josep Maria Bartomeu ayaa shaaciyey inuu sibeddel degdeg ah ku samayn doono Barcelona kaddib xasuuqii ay xalay kala kulmeen Bayern Munich oo ku bahdishay 8-2.

Madaxweynaha Barcelona oo ka mid ahaa shaqsiyaadka sida weyn loogu dhalleecaynayay guul-darrooyinka kooxda, dad badanna tilmaameen inuu si xun u maamulay naadiga, waxa uu ku dhawaaqay in la gaadhay waqtigii go’aamada, isla markaana uu horeba usii gaadhay qaar ka mid ah go’aamadiisa.

Bartomeu oo subaxa intay qorraxdu soo baxayso la sugi kari waayay inuu shaaciyo waxa calooshiisa ku jira ee ah go’aamada ay taageereyaashu ka sugayaan, ayaa yidhi: “Dhab ahaantii waa guul-darro weyn, waxaanan doonayaa inaan u hambalyeeyo Bayern oo ciyaar wanaagsan dheeshay. Waxay u qalmayeen inay semi-finalka tagaan. Annagu sidayadii wanaagsanayd maanaan ahayn, umana aanaan dhoweyn.

“Maanta waxay ahayd musiibo, haddana waa inaanu go’aamo gaadhno. Mar hore ayaan qaarkood sii gaadhay, mana aha go’aamo maanta yimid.

“Waxaan raalligelin siinayaa taageereyaasha kooxda, xubnaha iyo Barcelonistas.”

Josep Martia Bartomeu oo la weydiiyey haddii uu go’aamadiisa haddaba sii sheegi karo, waxa uu ku jawaabay: “Ma doonayo inaan sheego waxa ay go’aamadu yihiin, sababtoo ah qaarkood mar hore ayaa la sameeyey, kuwo kalena waa la gaadhi doonaa.

“Maanta waa maalintii jawaabta. Laga bilaabo berri, waxa aanu isku deyi doonaa inaanu sare u qaadno niyadda dhamaan taageereyaasha Barcelona, waxaananu go’aamada samayn doonaa toddobaadka dambe.”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.